Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka JSL oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Xafiisyada Shirkadaha Caymiska

0
266

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirashiid Saleebaan Maxamed, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah xafiisyada shirkadaha caymiska ee ka hawlgala gudaha dalka.

Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada ay Hay’addu ugu jirto dardargelinta hawlaha shaqo ee Qaranka, gaar ahaan kor u qaadista tayada adeegyada caymiska iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa hay’adda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada caymiska.

Intii uu socday kormeerka, Guddoomiye ku-xigeenka ayaa la kulmay masuuliyiinta shirkadaha, waxana lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa nidaamka caymiska qaranka, loona horumarin lahaa adeegyada la siiyo muwaadiniinta, iyo sidii loo dhisi lahaa hannaan midaysan oo ay ka faa’iideystaan dhammaan qaybaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here