Nairobi, Kenya – Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Siciid Mire Faarax (Giire), oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, iyagoo safar shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa maanta booqasho ku tegay Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya.
Intii ay booqashadu socotay, waftiga waxaa si diiran u soo dhaweeyay Safiirka iyo Safiir-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya.
Mas’uuliyiinta safaaraddu waxay Guddoomiye Ku-xigeenka iyo xildhibaanada ka siiyeen warbixin dhammaystiran oo ku saabsan hawlaha safaaraddu u hayso Qaranka iyo muwaadiniinta Somaliland ee dalka Kenya.
Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ayaa u mahadnaqay masuuliyiinta safaaradda soo dhaweynta qiimaha leh ee ay u sameeyeen waftiga, wuxuuna ku dhiirri-geliyay safaaradda inay sii xoojiso shaqada muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan, isla markaana ay kor u sii qaadaan adeegyada ay u fidiyaan muwaadiniinta Somaliland.




















