Guddoomiye Faysal: “Waxan Musharrax u ahay Somaliland oodhan, Uma ihi Beel-gooniya”

0
1260
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka guddida fulinta xisbiga UCID oo ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga.

Faysal Cali Waraabe oo shirka kadib hadlay, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan doorashada iyo musharaxnimadiisa.

Guddoomiye Faysal, ayaa waxaa uu sheegay inuu musharrax u yahay Somaliland oo dhan, balse aanu musharrax u ahayn beel gooni ah.

Waxaa uu sheegay isagoo hadalkiisa sii wata inuu yahay xal-ka Somaliland, isagoona ka hadlay Xisbiyada yidhaahda reero ayaa nagu soo biiray ee Lacag-ta saydh-saydhaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here