Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo Daahfuray shirka diyaarinta qorshaha sanadka 2025-ka

0
574

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqalaha Dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa maanta daahfuray shirka diyaarinta qorshaha sanadka 2025-ka ay ku shaqayn doonto Hay’addu iyo sidoo kale dib u eegista qorshihii sanadkii hore ee 2024-kii, qorshayaashii wixii qabsoomay iyo wixii aan qabsoomin.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Khaalid Mire Nuux.

Kulanka, ayaa waxaa dhamaan ka wada qayb qaadanayay Agaasimeyaasha Waaxaha iyo Xafiisyada Hay’adda Shaqaalaha, iyaga oo midmid u soo jeediyey qorshahooga oo gaargaar ah iyo warbixintii sanadkii hore wixii u qabsoomay oo maanta ku hawlanaan doona sidii qorshuhu ahaa.

Wuxuu shirkaasi ka bilaabmay Hoolka Hay’adda Shaqaalaha Dowladda isaga oo qaatay saacado badan ilaa 3:30 galabnimo soo gabogaboobmay.

Guddoomiyaha iyo Agaasimaha guud, ayaa waxa ay uga mahad celiyeen sidii hawlkarnimada lahayd ee ay u guteen waaxuhu qorshoodii sanadkii hore oo ay dhamaanba gaadheen bar tilmaameedkii hawl-qabadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here