Guddoomiye Faysal: “QM waa inay dib usoo celisaa cuna-qabataynta hubka Soomaaliya”

0
1830
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa baaq culus oo la xidhiidha hubkii tirada badnaa ee Soomaaliya galay, u jeediyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee Soomaaliya, ayaa maalin ka hor laba gaadhi oo hub tira badan siday lagu furtay.

Hubkaasi oo u gacan galay shacabka iyo maleeshiyaad hubeysan, ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay dhanka xadka Itoobiya.

Hadaba, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay Qarammada Midoobay in ay qirto inay khalad ahayd in cuna-qabatayntii hubka laga qaado Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe oo qoraal ku baahiyay bartiisa X (Twiitter), ayaa sidoo kale Qaramada Midoobay ugu baaqay inay dib u soo celiso cuno-qabataynta hubka ee Soomaaliya, ka hor inta aanu hubka sharci darrada ahi u gubin gobolka oo dhan.

“Qarammada Midoobay waa inay qirtaa inay khalad ahayd in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, waana in dib loo soo celiyaa cuna-qabataynta hubka; ka hor inta aanu hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya gubin gobolka oo dhan.” ayuu ku yidhi Faysal Cali Waraabe qoraalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here