Guddiyadda Xaafadaha Boorama oo La Barayo Dastuurka iyo Waddaniyadda

0
522

Boorama (Hargeisa Press)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Deeqa Cabdi Yuusuf, ayaa maanta magaalada Boorama ka furtay tababarka ku saabsan wacigelinta Dastuurka iyo Waddaniyadda.

Tababarkaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaardda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, waxa kaloo furitaankiisii ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Awdal.
Isuduwaha wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ee gobolka Awdal, xubno ka tirsan golaha deegaanka Boorama, iyo masuuliyiin kale.

Tababarkaasi ayaa loo qabtay xubno ka kala socday guddiyadda xaafadaha magaaladda Boorama.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, oo hadal ka jeedisay furitaankii tababarkaasi ayaa ka qayb galeyaasha ku boorisay in ay ka faa’iifldaystaan.

DAAWO: Hadalkii Agaasimaha Guud Ee Furitaanka Tababarkaasi:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here