Guddida xasilinta Shilinka Somaliland oo kulan deg-dega isugu yimid

0
1626

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida heer qaran ee xasilinta iyo kor u qaadida shilinka Somaliland, ayaa waxaa ay maanta iskugu yimaadeen kulan degdeg ah oo ay kaga arrin sanayeen xaaladda suuqa sarifka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta guud ee bangiga dhexe, waxaa ka qaybgalay Guddida heer qaran ee wasiirrada ee xasilinta iyo kor u qaadida shilinka Somaliland, masuuliyiinta bangiga dhexe iyo hay’adaha maaliyadeed ee dalka, sarifleyaasha iyo shirkadaha adeega lacagaha telefoonada.

Kulanka, ayaa waxaa lagu falanqeeyay kor u qaadida adeegsiga shilinka Somaliland iyo wax ka qabashada sarrif bararka.

Guddida, ayaa dood iyo naaqishaad dheer kadib waxaa ay isla qaateen in kor loo qaado shilinka Somaliland iyo adeegsigiisa.

Sidoo kale, kulanka ayay guddidu iskula qaateen in waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale boqol dollar waxka yar  lagu bixiyo shilinka Somaliland.

Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir oo ugu horayn kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in kulankoodu daarnaa sidii ay u daraasayn lahaayeen xaaladda guud ee suuqa iyo dhaqdhaqaaqa shilinka Somaliland.

Waxaanu Guddoomiyuhu fariin iyo digniin u diray dad uu sheegay in ay si qaldan uga shaqaystaan suuqyada sarifka lacagaha.

Wasiirka wasaaradda horuumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in kulanka ay kaga arinsanayeen xal u helista qiimaha shilinka Somaliland.

Wasiirka, ayaa waxaa uu sheegay in kulankoodu ka dambeeyay dareen ka jiray hoos u dhac shilinka Somaliland ku yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here