Guddida Golaha Guurtida Somaliland oo Go’aamo Kasoo saaray Dilkii Labada Marxuum ee Hargeysa

0
731

Hargeysa (HargeisaPress)– Golaha Guurtida Somaliland ayaa guddi gaar ah u saaray baadhitaanka kiiska dilkii naxdinta lahaa ee labadii marxuum ee lagu dilay magaalada Hargeysa.

Guddidan oo ka koobnayd 19 xubnood ayaa maanta oo Khamiis ah, taariikhduna tahay 7 August 2025, shaaciyey go’aamo muhiim ah oo la xidhiidha arrintaasi.

Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida, Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa warbaahinta u akhriyey go’aamada guddida, kuwaas oo u dhignaa sidan:

1 In maydka labada marxuum la aasayo si waafaqsan shareecada Islaamka, iyadoo la dhowrayo xurmada iyo sharafta marxuuminta.

2 In hay’adaha amniga ay dardargeliyaan baadhista si caddaalad loogu helo gacan-ku-dhiiglaha, waxaana kiiska loo gudbin doonaa maxkamadda marka ay baadhistu dhammaato.

Sidoo kale Guddidu waxay kulan la yeesheen wasiirka arrimaha Gudaha, ehelada marxuuminta, odayaasha dhaqanka, iyo taliyaha sirdoonka qaranka, si ay xog buuxda uga helaan xaalada kiiska iyo halka uu marayo baadhitaanka.

Waxaa sidoo kale lagu wargeliyey in marxuuminta Jimcaha la aasayo, haddii ALLE yidhaahdo, isla markaana Golaha Guurtidu ka qayb galayo aaskaasi.

Go’aamadan ayaa ujeedadoodu tahay in la helo caddaalad, xasilooni, iyo in laga hortago kala shaki bulsho.

Arrintan ayaa la filayaa inay qayb ka noqoto dadaallada lagu dejinayo xiisadda dhacdadaasi dhalisay, waxaana la rajo qabaa in go’aankan uu horseedi doono isu soo dhowaansho iyo is-afgarad bulsho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here