Guddida Doorashooyinka Somaliland oo soo bandhigay nidaamka hubinta codbixiyeyaasha

0
1794

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa maanta magaalada Hargeysa ku soo bandhiggay Nidaamka Hubinta Cod-bixiyeyaasha Booyoomitrigga IRIS- BVVS.

Kulanka bandhigga waxa ka qayb qalay Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda, Madaxda Dalladda Ururrada Balshada ee SONSAF iyo dadwayne ka mid ah codbixiyeyaasha ka diiwaangashan goobta xarunta guriga shaqaalaha ee Hargeysa.

Guddida Doorashooyinka, ayaa si dhammaystiran uga warbixiyay hannaanka Nidaamka Hubinta Codbixiyeyaasha IRIS-BVVS ka.

Waxaana halkaasi si daahfuran lagu tijaabiyay Nidaamka IRIS-BVVS, tijaabadaas oo laga qaaday qaar ka mid dadweynaha iyo madaxda Xisbiyada iyo Ururrada ee ka diiwangashanaa goobta Guriga Shaqaalaha.

Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda oo halkaasi ka hadlay, ayaa Guddida Doorashooyinka la wadaagay dareenadooda taban iyo togan ee ay ka qabaan fullinta Nidaamka Hubinta Cod-bixiyeyaasha Booyoomitrigga IRIS-BVVS ka.

Waxaanay dalbadeen in shir wadatashi ay iskugu yimaadaan Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland.

Ugu danbayn, waxaa la isla la qaatay in marka la soo dhammeeyo tijaabada rasmiga (IRIS-BVVS Field Test), la qabto shir la is kula lafo-guro dhammaan arrimaha la xidhiidha nidaamka BVVS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here