Guddida Doorashooyinka Somaliland oo jeediyay baaq xaasaasi ah

0
1575

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa baaq ka jeediyay doorashooyinka la qorsheeyay inay dalka Somaliland ka qabsoomaan 13 bisha November sannadkan 2024-ka.

Guddida Doorashooyinka, ayaa ku baaqay in gacmaha la isku qabsado sidii ay dalka uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada iyo ta Ururrada Siyaasadda ee muddaysan.

Qoraal ay Guddidu soo saareen, ayay dhambaal hambalyo ah ugu direen shacbiga Somaliland oo ay ku bogaadiyeen 34 sannadood oo ay ku naaloonayaan dawladnimo iyo 8 Doorasho oo u qabsoomay hannaan xor ah.

Hoos ka akhriso qoraalka guddida

“Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu hambalyo u dirayaa shacabka JSL oo ku naaloonaya 34 sanno oo dawladnimo dimuqraadi ah, isla markaana qabsaday 8 Doorasho iyo Afti Dastuur.

Dhammaanteen aynu gacmaha isku qabsano fullinta doorashooyinka Madaxtooyada & Xisbiyada Qaranka ee 13 November 2024.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here