Guddida diiwaangelinta oo shaaciyey inay dhammaatay muddadii isku-biirida xisbiyadda iyo ururrada

0
1715

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta Somaliland, ayaa waxaa ay shaaciyeen in ay maanta dhammaatay muddadii isku biirida ururrada iyo xisbiyadu.

Guddida oo soo saaray war-saxaafadeed, ayaa sheegay in ay muddadii isku biirista xisbiyadda iyo ururrada, ay dhammaatay, taas oo ku eekayd ugu dambayn maanta oo ay taariikhdu tahay 14 bisha August, saacadu markay ahayd abaaro 5 galabnimo.

War-saxaafadeedka ayay guddidu ku sheegeen in soo saari doonaan liiska ururrada iyo asxaabta ka qayb gelaya doorashada tooska ah ee asxaabta qaranka, una gudbin doonaan Guddida doorashooyinka Somaliland.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here