Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland oo kulan la yeeshay Madaxda Xafiiska Ingiriiska

0
1412

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta xarunta Golaha Wakiillada kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxda Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

Ujeeddada kulankani waxa ay ahayd in la xoojiyo wadashaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya Guddida iyo Xafiiska Ingiriiska, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha xeerarka ay Guddidu gacanta ku hayso.

Kulankan, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xeerarka caafimaadka iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee Caafimaadka, iyadoo Xafiiska Ingiriiska uu qayb ka yahay hay’adaha taageeraya horumarinta nidaamka Xeer-dejinta ee Golaha.

Guddidu waxay soo bandhigtay heerka uu marayo Xeerka Caafimaadka, muhiimaddiisa uu bulshada u leeyahay, iyo sida loogu baahan yahay in laga helo tallooyin iyo aragtiyo ka imanaya saaxiibada caalamiga ah.

Masuuliyiinta Xafiiska Ingiriiska, ayaa dhankooda muujiyay taageero buuxda, iyagoo ammaanay dadaalka ay Guddidu ku bixinayso horumarinta sharciyada bulshada wax ka taraya.

Gabo-gaabadii, labada dhinac, ayaa waxaa ay meeldhigeen in wada-tashiyada iyo wada-shaqaynta noocan ahi ay sii socon doonaan, si loo helo xeerar tayo leh oo bulshada u horseeda horumar, daryeel nololeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here