Gorfayn – Ku Saabsan Qorista: Sooyaalka Xirfadda – W/Q. Mukhtaar Xasan Maydhane

0
1397

Qoraalku mar waa sooryo. Maankaaga aragtiyaha ku cukan iyo warka ceegaaga markaad qalinka ku dareeriso waxaad ugu talogelaysaa waa inaad

ku soorto akhriste jooga meel kaa duwan miley kaa duwan. Waxaad u tebinaysaa fallaadho dareen sida oo turqa maankiisa, ruxa qalbigiisa ama gariiriya ruuxdiisa. Gujada waxaad ka wadaa inuu wax ka bedelo falkiisa joogto ama kiisa ku ekoon duruuf gooniyeed. Ma aha inaad ku hawlan tahay sheed-ka-maamul. Mana aha inaad saadaalin kartid sida uu u qaadanayo iyo halka uu la qabanayo. Waxaadse u ogolaanaysaa inaad maankaaga u furtid, wax aanu hayn uu kala baxo, wuxuu rabo uu ku qabsado, waxaanu rabin daadiyo, caayo, adiguna adoon ka cadhoon kolba doc ka wareentid, hadda waa gujo-caqliyeed’e; oo weliba muusoodna ugu dartid wuxuu la gubanayo.

Qoraalku marna waa mihnad. Mihnad ahaan noocyo kala duwan ayey leedahay. Intuba waxay ka midaysan yihiin, sida mihnadaha kale ee nolosha, in ay jirto ciddii iyo goobtii ay iska helayeen gade iyo gate. Sayladahan waxa lagu kala gadanayaa waa war, aragti, sida loo fuliyo fal gooni ah (sida hagista diyaaradaha), iyo ogaalka laga qabo qayb ka mid ah xeerarka dabiiciga ah ama kuwa aadamuhu u samaystay habaynta noloshooda.

Mihnadanise waa mid farshaxan oo bah la wadaagta kuwa gacanta ku sawira ee warqad korkeed ama geed la qoray ama walax kale oo la shiilay ku gudbiya dareenkooda. Waxay la mid yihiin kuwa curiya suugaanta, aftahanka goob loo dhan yahay ka jeediya hadal dhuuxa dhaqaajiya, ama farshaxan jidhkiisa jajabnaantiisa ku maaweeliya bulsho la dhaygagaysa. Wuxuu kaga duwan yahay qaar badan, qaarna kala siman yahay, in wakhtiga ay hawshiisa dhabta ah ee maan-daarku socdo uu farshaxankaasi meesha ka maqan yahay. Waa jooge-maqan.

Dhawaan waxaan nasiib u yeeshay inaan akhriyo buug magaciisa la yidhaa, “On Writing: The History of the Craft” oo aan ku macnayn karno, Ku Saabsan Qorista: Sooyaalka Xirfaddaoo uu qoray Istiifan Kiin (Stephen King). Waa qoraa caan ka ah dunida ku hadasha afka Ingiriiska. Istiifan wuxuu dhaqaale badan ka abuuray buugtiisa male-awaal saynis (science fiction) u badan ee kor u dhaafay afartameeyo, ee uu ku qoray muddo ka badan afartan sanno (http://stephenking.com/the_author.html). Waayo-aragnimada Istiifan ee qorista male-awaalku waxay wax badan inaga baraysaa mihnaddan taasi oo aan u kala qaadi karno mid mihnadeed, mid farsamo, iyo mid barasho. Inta aan wadaagayno wuxuu saddexdaas qaybood ka sheegay Istiifan waxa kale ee aan idin soo hordhigi sidaan ula falgalay, uga aragti qaatay, ama ugu gaws-qabsaday. Mar haddii uu aadame dhimane yahay, waxaan rabaa inta kartidaydu tahay inaan arko dhinnaantiisa. Barashada dhabta ahi waa baaqbaaqa wixii qabsoomay iyo wixii qaloocday.

Mihnadda Qoraaga

Tan iyo intii aadamuhu bilaabay inuu qaybsado shaqada ee aan qofna ku dul go’in inuu baahidiisa oo dhan daboolo, waxa soo mudh-baxay baahiyo markii hore qoyska dhexdiisa lagu dabooli jirey. Baahiyaha tababarista, gudbinta aqoonta, curinta aragtiyaha,  iyo maaweelinta ayaa ka mid ah kuwa mihnadda qoraalka ka dhigay laf dhabarta nolosha. Waxa intan dambe sii caaliyey baahiyahaas qalabyo badan oo u baahan in loo sharxo dadweynaha adeegsanaya si iyadoon cidina la joogin u rakibaan, u adeegsadaan, ama u cillad-bixiyaan.

Saluugga ku aaddan in qoysku aanu yeelan karin isku-filnaansho halabuur waxay  keliftay in mihnadda qoraalku noqoto mid laga dhiibo lacag adag, taasoo u suurtogelisay qoraayada uu Istiifan ka mid yahay inay ka hohobsadaan sunuud badan, isla markaana ugu ekaadaan shaqadaas oo nolol-maalmeed iyo mooraba ugu filan. Istiifan isagoo fahamsan waxay ka mudan yihiin kuwa u hibeeya wakhti iyo xoolaba akhriska buugtiisa, wuxuu ku ballanqaaday inaanu rabin inuu qoro buug, yari intuu dooni ha le’ekaadee, ku reeba isaga dareen inuu tororogleeyey ama yahay gocor kal iyo kob midna ku ekayn (b. 9). Wuxuu ku dedaalayaa inuu ku sifoobo gabaygii Soomaaliyeed:

Rag hadduu horfule kaa dhigtoo, hibana laguu yeelo

Waa loo hagaajaa anfaca, hagrasho waa ceebe – Silsiladdii Xaydha.

Si kastuu qoraalka u sigib-tiro, u qurxiyo, hawraarta ugu koobo mugga murtida, haddana qoraagu maaha, Istiifanna ku daroo, eedlaawe. Mid uu u qalmo iyo mid kaleba, qoraagu wuxuu  daleed-yaal u yahay weerarka cid u aragta wax si ka duwan sidiisa. Kuwa ugu sii daran waa kuwa isku daya inay farta u qabtaan qoraaga, kuna dhaleeceeya inuu wax aan macno lahayn u adeegsanayo hibada Eebbe siiyey.

Eeddan uga soo gudubtay sida waxa la qorayo waxa lagaga bixi karaa, waa taladii Istiifane, in loo joojin waayo. Qofba meel ayuu ka bartaa adkaysigee, Istiifan waxa bartay shaaqiyad guriga ku hayn jirtey isagoo dhallaan ah. Gabadhani waxay ciijin jirtey Istiifan markaasay sanka u saari jirtey naqas weyn “Boooow.” Taasba hadduu ka nayaayirtay, ma qoraal baa wax yeeli! Waxa kale ee Istiifan caawiyey da’ yarida uu ku galay mihnadan. Wuxuu yidhi, “Markaad ka yar tahay inta lagu xiirto gadhka, rajadu waa jawaabta saxda ah ee guuldaradda.” (b. 40).

Waxaas oo dhan waxa ka horreysa, waa maxay sababta aad wax u qorto?  Istiifan halkaas kuma lumin ereyo badan, “Qoristu ma daarna lacag raadin, caan-bixid, haasaawe helid, ku xodxodasho, ama saaxiibo kasbasho. Gobo’du waa in aad hodmiso nolosha kuwa akhrista hawshaada iyo noloshaadaba.” (b. 269). Waxase qofku heli karaa sababo badan oo ku kelifa inuu qalinka ama aaladaha qoraalka laaco. Mid ka mid ah kuwaasi waa uur-ku-taallo qofku ka qabo arrimaha uu arkayo. Horaa loo yidhi, “Gabaygu waa ciil keen ama cawo keen.” Haddii buuggani in uun uu leeyahay god-daloolo ama uu leeyahay adin uu ka dhutiyo, waxaan odhan lahaa waa inaanu Istiifan aad ugu nuuxnuuxsan qodobkan.

Talooyinka mihnadeed ee ugu culus buugga waxa ka mid ah, “…dhig miiskaaga cidhif, markasta oo aad u fadhiisatid qoraalna, xasuuso sababta aanu badhtanka qolka u oolin. Noloshu ma aha rukun  taageera farshaxanka. Waa lidka.” (b. 101) Istiifan oo dhaqaale weyn ka sameeyey qoraalku inuu ereygaas oo kale yidhaa ma aha mid aan ka filaynay. Laakiin tani waxay inoo muujinaysaa in dheefta mihnadani cag-gaabis tahay, sidaas darteedna aad u baahantahay meel kale ood noloshaada ka dabarto.

Waa maxay sirta guusha Istiifan? Wuxuu buugga kaga jawaabay su’aashaas, “…jidh caafimaad qaba iyo xaaslaynimo. Waxase la odhan karaa lidkeedana: in qoraalkayga iyo farxadda aan ka helo ay hagaajiyeen caafimaadkayga iyo deganaanshaha qoyskayga.” (b. 154) Istiifan wuxuu kaga duwan kuwo badan oo isku daya inay u tu’iyaan noloshooda shaqada ama shaqadooda nolosha, in uu qirsan yahay sida labaduba u yihiin labada weji ee nolosha, midkoodna ka maarmayn ka kale. Waxa laga hayaa Alaays Woolker (Alice Walker), “Haddii shaqadaada abaalmarinta qudha ee aad ka heshaa tahay lacag, waad ku dhacan tahay meesha.” (Kouzes & Posner, 2011). Dheelitiranka nolosha iyo shaqada oo lagu daray is kaabidda labadaas ayaa hodmiya qofka. Markase shaqada aad ugu jirto uun inaad kasoo ridato quutal daruuri, sannado badan kedib waxa kuu muuqanayaa wuxuu noqonayaa uun sannado wixii kaa tegay ee lacagtoodiina aad hore u cuntay.

Farsamada Qorista

Halbawlaha buugu waa qaybta uu kaga hadlayo falka iyo farsamada qorista. Mar haddii ujeedada mihnaddani tahay in sooryo wacan lasoo hordhigo akhristaha, waa halka ay bur iyo biyo loogu kala baxayo (waana halka loo nisbayn karo cinwaan-hoosaadka buugga “Sooyaalka Xirfadda”). Inkastoo arrimaha uu kaga hadlay mihnadda qoraalku ay muhiim u yihiin maaraynta jihada, tayada, iyo suuqa qoraalkaaga waxase qaybtani lama huraan u tahay soo saarista tiirkii ay ku taagnayd mihnaddani – qoraal.

Qoraalku guud ahaan wuxuu ka unkamaa isku dhafka aragti (fikir) ama xog iyo qalabkii u gudbin lahaa aragtidaas ama xogtaas akhristaha. Sidaas darteed, qoraalka qiimaha badan leh waa qoraalka ku qotoma aragti shiilan, xog sax ah isla markaana loo soo bandhigay si cad oo qurux badan kuna haboon cidda loo qoray. Istiifan oo muujinaya qiimaha isku dhafkani leeyahay, wuxuu yidhi, “Qoraalku waa fikir hufan. Haddii qoraalkaaga derejada sare (master) aad ku dalbayso uusan ka qaab wacnayn layli dugsiga sare lagu qoro oo cinwaankiisu yahay, “Sababtaan Shaaniya Tuweyn ugu Qooqo,” walee waad dhiban tahay.”  (b. 131) Haddaanad fikirkaaga hufin, buushiga ka saarin, kala miirin, intiisa mucda ah gooni usoo qaban oo aanad sooryo uga dhigin akhristahaaga, waxaad qabatay waa dedaal dhantaalan. Si kasta oo aad u muujisid hodontinimadaada afku dabooli mayso saboolnimadaada fikirka. Dhanka kalena, si kastood u shiishid fikirkaagu dembabasi mayso saboolnimadaada gudbinta. Haddaad gudbin xun tahay, qurux kasta oo fikirkaagu lahaa wuxuu ku dhimanayaa maskaxdaada. Nasiib darro, xataa tacsida kaala qayb qaadan kari maayo.

Istiifan wuxuu inagu waaninayaa in aynu fikirkeena iskeen u shiilno, “Qor marka koowaad albaabka oo xidhan. Haddana dib u qor albaabka oo furan.” (b. 57) Way fududahay in lagu barokiciyo haddii fikirgaaga oo badhaxla’ aanad horta ku hubsan dhigaal. Qoraagii Jinuwa Ajebe (Chinua Achebe) ayaa mar uu ka waramayey qaab qoraalkiisa sheegay inaanu cidna tusin ilaa laga gaadhayo qabyo-tirka qoraalkiisa.

Xirfadda gudbintu waxay u baahan tahay qalabyo dhawr ah, kuwaasna weel ku guro. Qalabka aad qaadanayso waxa ugu horreeya wixii ereyo ah ee aad taqaan. Qoraalku waa xarfo isu tegay oo sameeyey ereyo macno leh; ereyadiina weedho macno leh. Siinta ereyada iyo xulashada ereyada ahmiyad gaar ahi waa hawlbawlaha qoraalka, waa halkii Istiifane, “Mihnada macnayntu waa mid weyn.” (b. 118) Hase yeeshee, wuxuu Istiifan qirey  “Ereygu waa uun wakiilka macnaha oo xataa markuu ugu wanaagsan yahay, qoraalku, mar mar mooyee, wuxuu ka gaabiyaa inuu dhamaystiro macnihii la rabay.” (b. 118) Si kale marka loo dhigo, qoraalka wanaagsani waa ka ugu dhaw macnaha uu tebinayey.

Ereyadu waxay macno ku sammeeyaan markay raacaan xeerar bulshadu isla fahamtay. Naxwahana ka buuxso weel. Afku waa arrin ku yimid heshiis dadweyne. Raacidda heshiisku waxay ku sahlaysaa inaad akhristaha ka rarto wuxuu yaqaanay una rartid wixii aanu aqoon. Wuxuu Istiifan kaga duwan yahay dad badan in uu u arko macnaha ereygu leeyahay iyo ka weedhuba, gaar ahaan sheekooyinka male-awaalka ah, inay ku xidhan yihiin ka meeriska (paragraph). Daliilkiisuna waa kala gedisnaanta tirada ereyada ee meerisyada (kaga bilow erey ilaa kuwo bogag buuxiya).

Istiifan waxa kale ee uu qoraaga kula talinayaa inuu barto sida loo adeegsado hummaagaynta iyadoon lagu fatihinayn akhristaha. Wuxuu yidhi (b. 200), “Ujeedada suurayntu waa qurxin iyo hodmin, ee ma aha mid lagu dhisto qoto-dheeraan been ah.” Sidaas darteed ayuu ugu talinayaa, “Waa in aad ku dhagarawdo ereyadaad ugu jeceshahay.” (b.197). Adeegsiga aaladahaas afeed iyo qaabka aad u dhisto weedhahaagu waxay isku noqdaan hannaan qoraalkaaga (writing style). Inkastoo inta hore qoraagu aanu ka war hayn hannaan qoraalkiisa, haddana waxay usoo baxdaa marka uu muddo wax qoro. Intaanuse yeelan hannaan u gooni ah oo lagaga sooco qoraalkiisa kuwa kale, waxa tab u noqon karta inuu kaga daydo dadka kale ee qoraalkooda uu ka helo.  Midse xasuusnow: si kastood ugu dayatid qof kale farsamooyinkiisa, haddana isaga ma noqon kartid. Sidaas darteed, waa inaad wax ka baratid sida waxa u shaqeeyey; laakiin adiguna aad dariiqaaga jeexatid.

Barashada Qorista

Qoraalku ma xirfad la bartaa mise waa hibo lagu soo dhasho? Istiifan wuxuu rumaysan yahay ta hore, illeyn haddii kale “qorista buugan oo kale waxay ahaan lahayd wakhti lumis.” (b. 18).  Wuxuuse qirsan yahay in qaar hibo u lehina jiraan. Mar haddii aynaan si cad u kala garan karin inta xirfaddan la baran karo iyo lagu soo dhasho, waxa inoo wanaagsan inaan rumaysano in la baran karo – ugu yaraan inta laga baran karo oo dhan ayaan inaga dayacmayn.

Haddaba, haddii la baran karo, sidee loo baran? Istiifan wuxuu ku talinayaa akhris badan iyo qoraal badan. Ta akhriska, wuxuu yidhi, “Ma rajayn kartid inaad qof kale ashqaraar ku geliso awoodaada qoraalka haddii adigaba aan sidaas si la mid ah laguu ashqaraarin.” (b. 146) Markasta oo akhriskaagu bato, waxa badanaya fikradaha aad helayso, ogaalkaaga farsamooyinka gudbinta ee u shaqeeyey qoraa kale, iyo hodannimada afkaaga. Si kastoo akhriskaagu u bato, haddii aanad qalin iyo warqadba is dul saarin, doob dilaacsan maayo qoraalkaagu. Waxaad u baahan tahay inaad in badan wax qortid, weliba aad iska saartid xil. Taladiisu halkan waa in laga bilaabo meel fudud oo aad sidaas ku kortid. Wuxuu ku talinayaa in “aad maalintii qortid kun erey, … aad qaadatidna hal maalin oo fasax ah usbuucii.” (b. 156) Tani waxay ku baraysaa isla markaana dhisaysaa kartidaada si joogto ah.

Inkastoo ay kaa caawinayaan qoraalka iyo akhriska badani inay soofeeyaan agabkaagii, sida korodhka ereyada, qarada humaagayntaada, iyo qurxinta qaab-qoraalkaaga, haddana waxaan laga maarmi karin inaad si firfircoon uga shaqayso. Istiifan wuxuu isagu ku talinayaa in sida carruurtu aanay isugu hawlin afka, haddana ugu barato sida ugu wanaagsan, aad u deyso in ereyadaadu ay si dabiici ah u kordhaan. Tani waxay kasoo qaadaysaa in dadkoo dhami isku baahi yihiin, waxayna ilduufaysaa in dad badan sida qudha ee ay u kobcin karaan ereyadooda, ama u hagaajin karaan farsamadooda qoraal, tahay iyagoo si firfircoon uga shaqeeya. Markase qofku u daayo inuu sida isboonijka (sponge) u nuugo, aanuse ahayn mid kartidiisa nuugistu wanaagsan tahay, waa u lug-gooyo.

Ku dayashada qoraayada wanaagsani waxay dhawaysaa dhaxlidda farsamooyinka qoraal ee u shaqeeyey qoraagaas. Waxay fursad kuu siinaysaa inaad hesho qalfoofkii aad ku guran lahayd ereyadaada inta aanad haysan qalfoof. Marka dambe, adigaa dhisan qalfoofka aad rabtid. Istiifan wuxuu ka digayaa inaad u waajahdo mawduuca sida uu u waajaho qoraa kale, xataa markay u egtahay wax fudud illeyn qofna kuma fikiro caqli aan ahayn kiisee.

Gebogebo

Buuggani waa buug wax badan laga korodhsan karo. Kor waxaan ku xusay in kooban oo ka mid ah. Markaadse u kuurgasho waxaad arkaysaa qarada waayo-aragnimada Istiifan inay tahay mid uu ka faa’iidaysan karo qoraa aan la wadaagin af, dal iyo duruuf toona; waxa keliya ee mideeyaana uu yahay inuu sida Istiifan hammuun u qabo la wadaagista dunida murtida iyo maaweelada dhex ceegaagta.

Waxaan kusoo gebogabaynayaa in aan kasoo xigtay meeriska ugu dambeeya buugga: “In ka mid ah buuggan, lagana yaabo inay badan tahay, waxay ku saabsanayd sidii aan anigu ku bartay qorista. In badan oo kalena waxay ahayd sidaad adigu uga sii wanaagsanaan lahayd. Hadhaaguna, oo weliba intiisa ugu wanaagsan ahi, waa shati: waad yeeli kartaa, waana inaad yeeshid, haddii aad weliba calool adagtahayna waad yeeli doontaa. Qoristu waa mucjiso (magic) sida biyaha nolosha iyo hal-abuurka kale ee fanneed. Biyahaas waa lacag la’aan. Haddaba, cab. Cab oo ka dhereg.”

Tixraac

Chinua Achebe (2009),An Evening With Chinua Achebe, http://www.youtube.com/watch?v=M5OAjnG6rKo (Markii ugu dambaysay ee aan eego waa 25/09/2014).

Stephen King (2010), On Writing: The Memoir of The Craft, Scribner

Stephen King, http://stephenking.com/the_author.html (Markii ugu dambaysay ee aan eego waxay ahayd 25/09/2014)

James M. Kouzes and Barry Z. Posner (2011), Credibility: How Leaders Gain and Lose It; Why People Demand It, Jossey-Bass

Mukhtaar Xasan Maydhane

Email: maidhane@yahoo.com

Facebook:Mukhtar Hassan Maidhane

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here