Golaha Wakiillada Somaliland oo markale baajiyey ansixinta miisaaniyadda 2024

0
1648

Hargeysa (Hargeisa Press)- Fadhigii golaha Wakiillada Somaliland ee maanta lagu waday in lagu ansixiyo odoroska miisaanniyad sannadeedka 2024-ka ee muddo dhaafka ah, ayaa markale baaqday.

Xildhibaanada golaha Wakiillada, ayaa shalay ku ballansanaa in ay ansixiyaan miisaanniyada, taas oo golaha hor taallay muddooyinkii u dambeeyey.

Xildhibaanada golaha, ayaa waxaa la sheegay in habeenimadii xalay lagu war geliyay in goluhu fasax yahay Salaasada oo maanta ah.

Waxaana la sheegay in Xildhibaanadu fadhiga ansixinta miisaaniyadda u balameen markale maalinta berrito ee Arbacada oo ku beegan maalinta xoriyadda Somaliland ee 26 June 1960-kii, taasi oo sharciyan dastuurku dhigayo, in hay’adda dowladdu fasax ka yihiin shaqada qaranka.

Hasse-yeeshee, waxaa suuurta gal ah in ansixinta miisaaniyad sannadeedku markale todobaadka dambe u dhacdo.

Waxa xusid mudan in hore loo ansixiyay Misaaniyadda sannadka 2024 ka hayeeshe uu madaxweynuhu uu dib ugu  soo celiyay golaha Wakiillada, taasi oo bishii u dambaysay laga dhur sugayay in ay ansixiyaan balse fadhiyadii Goluhu ay kooram la’aan u furmi waayeen.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxka bedel ku sameeyay odorooska miisaaniyadda ee ay soo gudbisay Xukuumaddu, iyadoona madaxweyne Biixi uu dib ugu soo celiyay golaha Wakiillada, isagoo amray in lagu sii dhaqmo miisaaniyaddii hore ee sannadkii 2023-kii.

Golaha Wakiillada, ayaa guddi ka kooban 15 xubnood u saaray in arrintan cakiran ee u dhaxaysa Xukuumadda iyo golaha Wakiillada ee la xidhiidha miisaaniyadda ay ka soo talo bixiyaan.

Hase yeeshee, waxaa la sheegay in golaha Wakiilladu ay sameeyeen awood dheeraada oo ah qaabka ay wax uga badaleen miisaaniyadda ay xukuumaddu u soo gudbisay, taasi oo ay talaabooyinka ay  qaadeen meelaha qaar khilaafaysay sharciga.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa golaha Wakiillada ku eedeeyay inay maroorsadeen awooddii xukuumadda uu hoggaamiyo.

Eedeynta Biixi, ayaa timid kadib markii muddo Golaha Wakiillada uu horyaallay miisaaniyadda qaranka oo ay ahayd in ay shaqayso bishii koowaad ee sannadkanba, taasi oo dib u dhac bilooyin ah ku yimid.

Golaha oo hore u ansixiyay miisaaniyadda horraantii bishan, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dib ugu soo celiyay golaha, kadib markii uu diiday wax ka beddel uu goluhu ku sameeyay miisaaniyadda.

Madaxweyne Biixi, ayaa tilmaamay in goluhu aanu awood u lahayn wax ka beddelka miisaaniyadii dowladdu soo diyaarisay, islamarkaana ay tahay inay sidii hore ku soo meel-mariyaan.

Arrimo dhowr ah ayuu madaxweynaha ku sababeeyay ujeedada uu golaha Wakiillada ugu celiyay miisaaniyaddii ay soo ansixiyeen, taasi oo ay kamid aheyd in goluhu wax ka beddeleen kala mudnaantii miisaaniyadda.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la sheegay in uu diidan yahay lacago dheeraad ah oo Goluhu dhinacyo kale ay ugu dareen miisaaniyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here