Golaha Wakiillada Somaliland oo ku baaqay in la joojiyo wada-hadalada Soomaaliya

0
1152

Hargeysa (Hargeisa Press)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa uu go’aan adag ka soo saaray safarka uu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya maanta ku yimid magaalada Laascaanood ee bariga Somaliland.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa uu safarka Raysal Wasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay mid farogelin qaawan ku ah qaranimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Golaha Wakiillada, ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in la laalo gabi ahaanba wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxayna ay Madaxweyne Cirro u soo jeediyeen inuu shir degdeg ah oo qaran isugu yeedho Golayaasha Qaranka, xisbiyada siyaasadda iyo guud ahaanba waxgaradka Jamhuuriyadda Somaliland, si talo qaran oo midaysan looga yeesho arrinta Laascaanood iyo safarka Raysal-wasaaraha maamulka Muqdisho.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here