Golaha Wakiillada Somaliland oo ansixiyay odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2024-ka

0
1891

Hargeysa (Hargeisa Press)- Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay odoroska Miisaaniyad sannadeedka 2024-ka.

Golaha oo ay ka soo xaadireen 58 Xildhibaan waxa codeeyay 35, waxaa ka aamusay 9 mudane, waxana  diiday 14 xildhibaan.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa hore waxka bedel ugu sameeyay odorooska miisaaniyadda ee ay soo gudbisay Xukuumaddu, iyadoona madaxweyne Biixi uu dib ugu soo celiyay golaha Wakiillada, isagoo amray in lagu sii dhaqmo miisaaniyaddii hore ee sannadkii 2023-kii.

Golaha Wakiillada, ayaa guddi ka kooban 15 xubnood u saaray in arrintan cakiran ee u dhaxaysa Xukuumadda iyo golaha Wakiillada ee la xidhiidha miisaaniyadda ay ka soo talo bixiyaan.

Hase yeeshee, waxaa la sheegay in golaha Wakiilladu ay sameeyeen awood dheeraada oo ah qaabka ay wax uga badaleen miisaaniyadda ay xukuumaddu u soo gudbisay, taasi oo ay talaabooyinka ay  qaadeen meelaha qaar khilaafaysay sharciga.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa golaha Wakiillada ku eedeeyay inay maroorsadeen awooddii xukuumadda uu hoggaamiyo.

Eedeynta Biixi, ayaa timid kadib markii muddo Golaha Wakiillada uu horyaallay miisaaniyadda qaranka oo ay ahayd in ay shaqayso bishii koowaad ee sannadkanba, taasi oo dib u dhac bilooyin ah ku yimid.

Golaha oo hore u ansixiyay miisaaniyadda horraantii bishan, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dib ugu soo celiyay golaha, kadib markii uu diiday wax ka beddel uu goluhu ku sameeyay miisaaniyadda.

Madaxweyne Biixi, ayaa tilmaamay in goluhu aanu awood u lahayn wax ka beddelka miisaaniyadii dowladdu soo diyaarisay, islamarkaana ay tahay inay sidii hore ku soo meel-mariyaan.

Arrimo dhowr ah ayuu madaxweynaha ku sababeeyay ujeedada uu golaha Wakiillada ugu celiyay miisaaniyaddii ay soo ansixiyeen, taasi oo ay kamid aheyd in goluhu wax ka beddeleen kala mudnaantii miisaaniyadda.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la sheegay in uu diidan yahay lacago dheeraad ah oo Goluhu dhinacyo kale ay ugu dareen miisaaniyadda.

Waxa xusid mudan in hore loo ansixiyay Misaaniyadda sannadka 2024 ka hayeeshe uu madaxweynuhu uu dib ugu  soo celiyay golaha Wakiillada, taasi oo bishii u dambaysay laga dhur sugayay in ay ansixiyaan balse fadhiyadii Goluhu ay kooram la’aan u furmi waayeen.

Miisaaniyadda 2024 iyo Waxyaabaha lacagta ugu badan loo qoondeeyay.

Ansixinta miisaaniyadda, ayaa dib uga dhacday xilliga caadiga ah oo ay ahayd dhammaadka bishii Diseembar, iyada oo sidoo kale sanadkan hoos ugu dhacday shan boqolkiiba, iyada oo ay gaadhyso miisaaniyadda sanadkan 3,432,316,337,448 SLsh.

Lacagtaas, ayaa isugu jirta deeqo laga helayo dibeda oo ay bixinayaan hay’addo caalami ah, iyo dakhliga gudaha ee ay ururiso Somaliland.

Miisaaniyadan, ayaa ah dhaqaalaha ay ku howlgelidoonaan hay’adda dowladda, sida xafiisyada madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee qaran.

Halkee ayay ka imanaysaa lacagta ugu badan ee miisaaniyaddu?

Lacagta miisaaniyadda Somaliland waxay isugu jirtaa deeqo iyo mashaariic ka imanaysa hay’addaha caalamiga ah iyo dakhliga gudaha ee ay dowladdu aruuriso.

Baanka Adduunka oo keliya, ayaa waxa uu ka fulinayaa Somaliland mashaariic waa weyn oo ku kacaya $14,402,350,20 oo dollar oo qeyb ka ah miisaaniyadda guud.

Lacag kale oo dhan Sadex Milyan iyo Shan boqol oo kun oo dollar ($3,500,000.00) waxa uu Baanka Adduunka ku bixin doonaa horumarinta Maamulka khayraadka guud ee Somaliland. Lacagtaas waxay si gaar ugu baxaysaa mashruuca Abaartire oo loogu talo galay la tacaalida xaalada abaaraha.

$ 1,666,030 Una dhiganta 11,662,210,000 Shl, mashruucan ayaana sida miisaaniyadda ku xusan diiradda saari doona horumarinta kaabayaasha biyaha iyo sidoo kale kobcinta aqoonta iyo xirfada biyaha dhulka hoostiisa mara.

Lacagta ugu badan halkee ayay ku baxaysaa?

Miisaaniyadda guud ee Somaliland, ayaa 40.65% loo qoondeeyay arrimaha amaanka oo kala badh miisaaniyadda Somaliland noqonaya. Lacagtaas oo dhan 1,029,187,493,371 SLSH. Qoondadan ayaa 11.57% ka badan miisaaniyadda sanadkii hore ee Somaliland.

Difaaca Somaliland, xoojinta ciidamada Somaliland iyo difaaca ayayna miisaaniyaddu ku bixi doontaa.

Kharashka labaad ee miisaanidda Somaliland 19.60% oo u dhiganta 496,137,740,902 SLSH waxuu ka baxayaa dowladda oo lagu sheegay in diiradda lagu saari doono aqoonsi u raadinta Somaliland, qabashada doorashooyinka, sharci dajinta iyo maamul daadajinta.

Qoondada waxbarashada, ayaa isna noqonaya 7.12% miisaaniyadda guud ee Somaliland, taas oo u dhiganta 180,369,649,431 Shilinka Somaliland.

Horumarinta Iskuulada farsamada gacanta, dhammaystirka dhismayaasha jaamacadaha iyo joogteynta adeegyada waxbarashada dugsiyada ayayna miisaaniyaddani muhiimad siinaysaa.

Caafimaadka, ayaa qoondo 5.18% ka noqonaya miisaaniyadda guud ee Somaliland una dhiganta a 131,085,403,428 Shilinka Somaliland ah.

Wasaaradahee lacagta ugu badan helay?

Wasaaradda Gaashindhigga oo difaacuna ku jiro ayay ku baxaysaa miisaaniyad dhan 461,328,478,557 SLSH oo guud ahaan ka noqonaysa miisaaniyadda 18.22%.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayay tahay qoondada miisaaniyadeedu 320,007,202,456 SLSH oo marka qoondada miisaaniyadii 2023 la eego wax ka dhimis 26.99% ah lagu sameeyay.

Wasaaradda Jidadka iyo Horumarinta Waddooyinka, ayaa qoondada miisaaniyadda ka heshay lacagta ugu badan, iyada oo noqonaysa wasaaradda saddexaad ee ugu miisaaniyadda badan.

Waxay miisaaniyadeedu tahay 38,887,003,455 SLSH taas oo miisaaniyadda guud ee Somaliland ka ah 1.54% hoos na uga dhacday qoondada sanadkii hore 23.96%.

Miisaaniyadda ku baxaysa dowladaha hoose ee qoondada sanadka 2024 ee Somaliland ayaa 7% hoos u dhacay sanadkan marka la barbardhigo sanadkii hore ee 2023-kii.

Magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Boorama iyo Burco oo ah derajada “A” ee dowlada Hoose ayaa lagu diray miisaaniyadda, sida caadiga ah, iyaga oo heli doona qoondadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here