Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyay Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

0
312

Hargeysa,(HargeisaPress) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, kaddib markii cod loo qaaday fadhigii golaha ee maanta.

Fadhigan oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa xildhibaanada Golaha Wakiilladu cod kalsooni ah u qaaday Hanti-dhawraha Guud, kaas oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland.

Kadib fadhiga, Hanti-dhawraha Guud ee la ansixiyay ayaa dareenkiisa ka bixiyay kalsoonida uu ka helay xildhibaanada golaha. Wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay codka ay siiyeen, isaga oo xusay in dhammaan xildhibaanadii fadhiga joogay marka laga reebo guddoomiyaha oo aan cod lahayn ay u codeeyeen oggolaansho, cidina aysan ka aamusan ama ka diidin.

waxaanu yidhi“Farxad bay noo tahay aniga iyo kooxdayda Hanti-dhawrka in aan maanta hortagno Golaha Wakiillada, taas oo ah arrin dastuuriyan ku waajib ah in mas’uul kasta oo Madaxweynaha Qaranka uu magacaabo uu helo ansixinta golaha.

Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay in maanta ay fadhiga joogeen 54 xildhibaan, 53 ka mid ahna ay ii codeeyeen. Guddoomiyuhu cod ma leh, cid iga aamustay ama iga diidayna ma jirto. Taasi waxay muujinaysaa kalsoonida ay iigu qabaan xildhibaanada goluhu gole aan hore ula soo shaqeeyay”. ayuu intaasi ku daray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here