Golaha Wakiillada oo kulan xog-waraysi ah la yeeshay Xildhibaan Siciid Cudhay

0
842

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Daba-galka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta kulan xog-waraysi ah la yeeshay Xildhibaan Siciid Cabdisamad Axmed (Siciid Cudhay) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.

Ujeeddada kulanku waxay ahayd in guddidu xog rasmi ah ka hesho xaaladda suuqa Waaheen, gaar ahaan dib-u-dhiska, maamulka, qandaraasyada la bixiyay, iyo ilaalinta hantida guud.

Xildhibaanku wuxuu guddida uga warbixiyay marxaladaha uu marayo mashruuca, caqabadaha jira, kaalinta Dawladda Hoose, iyo mashaariicda la hirgeliyay.

Sidoo kale, waxa uu si gaar ah u iftiimiyay qandaraasyadii la bixiyay ee dib u dhiska xarumaha ganacsiga iyo bilicda deegaanka.

Guddida, ayaa su’aalo muhiim ah ka waydiisay hufnaanta maamulka, hab-raaca qandaraasyada, iyo sida loo ilaalinayo xuquuqda ganacsatada ay masiibadu saamaysay.

Waxay si gaar ah u adkeeyeen muhiimadda isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo waafaqsanaanta xeerarka dalka.

Ugu dambayn, guddidu waxay ballanqaadday inay sii wadi doonto kormeerka iyo daba-galka ay ku hayso mashruuca dib-u-dhiska si loo xaqiijiyo in si hufan, oo sharci ah, oo dan u ah dadweynaha loo maareeyo hantida guud ee qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here