Hargeysa (HargeisaPress) – Fadhigii saaka ee Golaha Guurtida Somaliland, oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudaneyaashu kaga doodeen arrimaha nabadgelyada dalka.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in guud ahaan xaaladda nabadgelyo ee dalka wanaagsan tahay, balse maamulka Laascaanood laga dhisay uu yahay mid colaadeed, iyagoo ka digay weerarro suuragal ah oo halkaasi laga soo qaado.
Sidoo kale waxay tilmaameen in dalka laga xaalufiyay khayraadkii biraha duugoobay (iskaaraabka), iyagoo xukuumadda ugu baaqay in cashuur laga qaado dadka ka ganacsada oo aan bixin.
Mudanyaashu waxay Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ka codsadeen inuu fuliyo gogosha uu Ceerigaabo dhigey, isla markaana ay dadkii ka qaxay magaaladaasi dib ugu soo laabtaan si loo adkeeyo nabadda iyo midnimada bulshada.
Gaba-gabadii Guddoomiyaha Golaha, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa guddida nabadgelyada u xil-saaray inay soo ururiyaan doodaha mudaneyaasha oo ay ka soo saaraan warbixin, taas oo markaas loo gudbin doono cidda ay khusayso.





















