Golaha Guurtida Somaliland oo ansixiyey Xeerka Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha

0
776

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxaa ay maanta cod gacan tag ah ku ansixiyeen Xeerka Ciidanka Laanta Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha dalka, Xeer Lr- 109/2025, kaasi oo ka soo gudbay Golaha Wakiillada, isla-markaana ay hore u soo ansixiyeen.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir-guddoominaayay Guddoomiyaha Golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudaneyaasha Golahaasi, waxay warbixin ku saabsan xeerkan ka dhagaysteen, Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan oo ka tirsan Guddi hoosaadka Guddida Arrimaha Nabadgelyada ee Golaha.

Warbixintasai oo ku saabsaneyd wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka Ciidanka laanta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha.

Waxaanu mudanayaasha faahfaahin dheer uu ka siiyey qoddobadda kala duwanaa ee ay Guddidaasi waxka baddelka iyo kaabista ku soo sameeyeen, kuwaasi oo ka mid ahayaeen in shaqo Dadka muwaadiniinta ahi qaban karaan aan loo dirin Dadka Ajaanibta ah iyo in la helo hanaan sharci oo lagu maamuli karo Dadka Ajaanibta ah, kuna sugan dalka.

Dhinaca kale, Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxay cod gacan tag ah u qaadeen xeerka ciidanka laanta socdaalka iyo ilalainta xuduudaha dalka, Xeer lr-109/2025.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey natiijada ku meelmariyeen xeerkaasi Mudanayaasha Golahaasi.

Iyadoona ay fadhigaasi ku sugnaayeen 55 Xildhibaan, ayaa waxaa ogolaadey in xeerka la ansixiyo 50 Xildhibaan, waxaana diiday 2 Xildhibaan, halka uu ka aamusey 1 –mudane, iyadoona aanu Guddoomiyuhu codeyn, waxaanay mudaneyaashu sidaasi ku meelmariyeen xeerkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudanayaasha Golahaasi ku wargaliyey inay gudo geli doonaan fasax dhan muddo labo bilood ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here