Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaanada aqalka golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhi ay maanta yeesheen waxaa ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen xeerka xuquuqda carruurta ee dalka xeer Lr. 102 /202.
Xeerkan xuquuqda carruurta Somaliland ee xeer Lr. 102 /202 oo maalmihii u dambeeyay ay ka doodayeen xildhibaanada golaha Guurtidu, ayaa ka soo gudbay xildhibaanada golaha Wakiillada.
Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhiga maanta shir guddoominayay, ayaa cod gacan taag ah u qaaday xeerkaasi, waxaana ogolaatay 40 xildhibaan, halka ay 3 mudane diideen, islamarkaana waxaa ka aamusay 7 mudane, xeerka xuquuqda caruurta xeer Lr. 102 /202.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo ku dhawaaqay natiijada codeynta xeerka xuquuqda carruurta, ayaa shaaciyay inuu xeerkaasi ansaxyahay.
Xeerkan xuquuqda carruurta ee xildhibaanada golaha Guurtidu maanta ansixiyay, ayaa waxaa hore wax ka baddel iyo kaabis ku sameeyay guddi gaar ah oo golahaasi u saaray.
Ansixinta ka dib wuxuu Gudoomiyuhu ku war galiyey xildhibaanada inuu dhamaaday kal-fadhgii 78aad ee golaha Guurtida, isagoona ku war geliyey inay mudo 45 cisho ah fasax ahaadaan.