Golaha Deegaanka Liverpool ee dalka Ingiriiska oo aqoonsaday Somaliland

0
10592

Liverpool (Hargeisa Press)- Golaha Deegaanka ee magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska, ayaa waxaa ay shaaciyeen in ay Somaliland u aqoonsadeen dal madax-banaan.

Golaha deegaanka ee magaalada Liverpool oo shalay Arbacadii kulan yeeshay, ayaa sheegay in ay Somaliland ‘dal madaxbannaan’ kaddib markii goluhu cod u qaaday.

Liverpool ma aha magaaladii u horreysay ee dalka Ingiriiska ah ee sheegta in ay aqoonsatay Somaliland, hore waxaa loo xasuustaa magaalooyinka Sheffield iyo Cardif City oo ka tirsan dalka Wales ee boqortooyada Biritan.

Dalka UK, ayaa waxaa ku nool Qurba-joogta ugu badan ee Somaliland, kuwaas oo badanaa ka shaqeeya sidii ay goleyaasha magaalooyinka ay joogaan uga ololayn laahyeen Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee dalka Boqortooyada Ingiriiska Ambassador Abdillahi, ayaa khudbad mahadnaqa ka jeedinayay xarunta golaha deegaanka ee Liverpool, taasi oo la xidhiidha aqoonsiga ay golaha deegaanka Liverpool dal ugu aqoonsadeen Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here