Geedi socodka Doorashooyinka Somaliland oo saddex maalmood ka hadhsan tahay

0
881

Hargeysa (Hargeisa Press)- Arbacada soo socota ee toddobaadkan oo ku beegan 13-ka bisha November waxaa lagu wadaa in Somaliland ay ka dhacdo doorashooyinka madaxtooyada iyo sharci dejinta oo marar kala duwan dib loo dhigayay.

Waxaana maanta si rasmi ah loo soo gabogabeeyey isu soo baxyada ololaha doorashooyinka, kuwaasi oo muddooyinkii u dambeeyey ka socday magaalooyinka Somaliland, halkaas oo madaxda Xisbiyadaas ugu soo bandhigayeen taageerayaashooda barnaamijyada siyaasadeed ee ay doonayaan in lagu doorto.

Sidoo kale, gudidda doorashooyinka oo soo gebagebeeyay hawlwadeenada gobollada ee doorashooyinka, iyadoona gobolada u diray ciidamada ka hawlgelya goobaha codbixinta, kuwaas oo sugaya amniga goobaha iyo ilaalinta doorashooyinka.

Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, oo ah labada Xisbi ee loollanka weyn dhex maray doorashadii madaxtnimada ee 2017-kii, doorashada soo socotana la filayo in mar kale ay ku loollamaan, ayaa soo bandhigay barnaamij-siyaasadeedyo ay doonayaan in loogu codeeyo.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartami doona murashixiinta xilka madaxweynaha, kuwaas oo kala kala socda saddex xisbi iyo ururro siyaasadeed.

Kala horraynta labadan doorasho ee Madaxtooyada iyo Ururrada, ayaa iyana laba mowqif oo kala fog ay ka taagnaayeen Mucaaradka oo iyagu doonayey in la soo horreysiiyo Doorashada Madaxtooyada iyo Xukuumadda oo doonaysay in la soo horreysiiyo ta Ururrada.

Xal ay soo saareen odayaal dhaqan oo is-xilqaamay, ayaa khilaafkaas muddada laba sano soo jiitamayey ku soo afjarmay in labada doorasho hal mar la wada qabto, soo jeedintaas oo dhinacyadu aqbaleen, dhabbahana u xaadhay qabashada doorashadan la filayo 13 Nofember.

Qodobada udub dhexaadka u noqon kara doorashooyinka, ayay ka mid yihiin aqoonsiga oo Xisbiga Kulmiye uu siinayo mudnaanta koowaad, halka uu Xisbiga Waddani uu ku ololaynayo midaynta shacabka Somaliland iyo gaadhista xuduudaha.

Haddii aynu eegno Kulmiye barnaamijka uu soo bandhigay waxa uu mudnaanta siinayaa aqoonsiga Somaliland, isaga oo ku ololaynaya is fahamkii Somaliland iyo Itoobiya, uu dhawaan aqoonsi keeni doono iyo qodob kale oo ah difaaca Somaliland.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxa uu qodobka ugu weyn ee uu ku ololaynayo uu ka dhigtay xaaladaha gobollada Bariga Somaliland iyo qorshaha uu u hayo magaalada Laascaanood.

Waddani Barnmaanij siyaasadeedkiisa waxa ugu weyn oo uu ku soo bandhigay dib u habaynta Ciidamada Qaranka iyo inuu midayn doono shacabka Somaliland, xuduudda Somalilandna ku gaadhi doon hab nabad ah.

Maxay doorashooyinkan kaga duwan yihiin kuwii Somaliland ka dhici jiray

Doorashadan la filayo in ay Somaliland ka dhacdo Arbacada toddobaadkan, ayaa noqonaysa tii siddeedaad ee ka dhacda Somaliland tan iyo 2002-dii, markaas oo hannaanka Xisbiyada badan ka hano qaadeen dalka.

Doorashadan, ayaa ah mid dhawr qodob kaga duwan doorashooyinkii hore marka loo eego, waxana ay kaga duwan tahay kuwii hore, codeeyuhu wuxuu yeelanayaa laba cod oo uu mid madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen ku dooranayo, midna ku dooranayo ururka uu ugu codaynayo inuu ka mid noqonayo sadexda xisbi ee jiri doona tobanka sano ee soo socda.

Dadkan isu diiwaan geliyey in ay doorashadan codkooda dhiibtaan, ayaa ka badnaan doonta kuwii doorashooyinkii hore.

Dhinaca kale, codeeyayaal gaadhaya 1,22,228, ayaa iska diwaan geliyay 1,232 goobood oo dalka Somaliland ka tirsan.

Waxyaabaha ku cusub doorashooyinka waxa kale oo ka mid ah oo markii u horreysay la isticmaalayaa in dadka codaynaya lagu hubiyo nidaamka hubinta indhaha, si looga fogaado in codbixiyeyaashu aanay ku codayn kaadhadh aanay lahayn, inkasta oo deegaannada oo dhan qalabkaas aan la wada dhigi doonin.

Arrintan oo muddo khilaaf ka taagnaa ayey Xisbiyada iyo Komishanku ku heshiiyeen bishii hore.

Maalinta loo dareeri doono goobaha cod-bixinta, ayaa ku mudaysan 13 bisha Nofember ee sannadkan 2024-ka, taasi oo ku beegan Arbacada toddobaadkan, waxaana la filayaa in doorashooyinkan isku sidkan ay ka loollan iyo xamaasad badnaan kuwii hore u dhici jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here