Ganacsade Cali Cumar Guuleed oo difaacay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0
2061

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ganacsade Cali Cumar Guuleed oo ah Mulkiilaha Hutel Guuleed ee magaalada Hargeysa, ayaa difaacay heshiiska taariikhiga ah ee badda ee ay Somaliland la gashay Itoobiya.

Ganacsade Cali Cumar, ayaa sheegay in heshiiska badda ee dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid guul weyn u soo hooyay dalka Somaliland.

Wuxuu sheegay in 9-ka bilood ee ka wareegay maalintii Madaxweynaha Somaliland qalinka ku duugay heshiiska badda ay Somaliland heshay wax aanay weligeed helin.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayuu ku boggaadiyay go’aanka adag ee uu ku dhiiraday ee ku saxeexay heshiiska.

Ganacsade Cali Cumar Guuleed, ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay Shahaadada Musharaxnimo ee ay maanta Guddida Doorashooyinka guddoonsiiyeen saddexda musharax ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI ee u tartamaya doorashada madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here