Ganacsadaha Abu Yasir oo Hargeysa ku soo fool le iyo Kacdoonka Ganacstada Xoolaha oo taagan

0
314

BERBERA— Bilihii udanbeeyay waxa taagana dhoofka xoolaha Soomalida ee loo iibgeeyo wadanka Sucuudidga, waxaana usabab ahaa Ganacsadaha yemeniga ah ee Abu Yasir oo doorkani noqonayo markii shanaad 5aad ee 10kii sano ee u danbeeyay oo sababtiisa hakad uu galo dhoofka xoolaha ama sayladda ugu way nee dalka Sucuudiga.

Waxa uu la kaashaday arrinta Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo isna noqday ganacsade dhoofka xoolaha ah, maadama uu garab siiyay Abu yasir una qoray warqad xoolaha kooto loogu xidhayo inuu kaligii uraro dalka Sucuudiga.

Wararka xogta ah ee warbaahintu helayso ayaa tibaaxay in maalinta beri ah oo ku began 21 1 2025 uu kazoo degi doono Caasimad Hargeysa Ganacsade Abu yaasir.

Haddaba, Ganacsatada Somaliland ee ka shaqaysta dhoofka xoolaha, ayaa si wayn uga biyo diiddan in dalka uu yimaaddo ganacsade Abu Yassir waxaanay xubno kamid ahi warbaahinta u sheegeen in ay kacdoon ku samayn doonaan maaddaama uu noqday Abu Yasi Cadowga Suuqa xorta ah ee Dhoofka Xoolaha Soomaalida, Qaranka Somalilandna aanu oggolaynba.

Dabcan, waxa foodda innagu soo haya xiliyadii Xoolaha ugu badan loo iib-gayn jiray Waddanka Sucuudiga ,waxaana labo kacleeyay walaaca Soomaalida guud ahaanba ay ka qaban ganacsadahan Yemiga ah ee doonaya in uu Cunaqabateeyo Ganacstada Somaliland iyo kuwa Soomaaliyaba, si uu kaligii kooto ahaan ula wareego Dhoofka Xoolaha Soomalida ee loo iib-geeyo Sucuudiga.

Yaasiin Jaamac
Berbera/Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here