Kalabaydh (HP): Maamulaha Kastamka cashuuraha ee Kala-baydh Cabdixakiin Muxumed Guuleed, ayaa ka warbixiyey adeegyada uu bixiyo Kastamkaasi, waxyaabaha ku cusub ee lagu soo kordhiyey iyo xadiga badeecadaha lagu cashuuro.
Cabdixakiin Muxumed Guuleed (Sooyaan), oo maanta u waramay qaar ka mida warbaahinta maxaliga ah waxa uu sheegay in dakhli soo saarka kastamku meel fiican marayo, lana fududdeeyey hannanka adeegyada Kastamka.
Maamule Sooyaan, ayaa intaasi ku daray inay cashuur-bixiyeyaashu ka helaan adeeg hufan iyo nidaaam daah-furan.
Maamuluhu waxa kale oo uu meesha ka saaray in jaad aan soo marin kastamkaasi dalka soo galo, waxaanu sidoo kale iftiimiyey isbedelo cashuurta qaadka iyo baddeecadaha kale ah oo ay Dawladda Itoobiya dalkeeda ku soo rogtay, taasoo saameyn ku yeellatay nidaamkii uu kaga soo bixi jiray dalkaasi.
Geesta kale kastamka Kalabaydh oo ah Isha labaad ee uu ku tiirsan yahay dakhliga dhinaca cashuuraha ee Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan lagu qabto cashuurta Jaadka dalka looga soo dhoofiyo Itoobiya, ayaa sanadihii u dambeeyey la casriyeeyey adeegyadiisa.
Waxaana dhawaan la dhigay mishiin loogu talogalay Miisaanka badeecadaha, kaasoo fududeeyey shaqada kastamka.
DAAWO: Maamule Sooyaan Oo Arrimahaasi Ka Warbixinaya:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.