Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu digniin iyo eedaymo kulul u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu sharciga ka leexday, isaga oo u soo jeediyay in uu ilaaliyo sharciga.
Waxaa kale oo uu ku eedeeyay Madaxweynaha in aanu bulshada la wadaagin xogta safarada uu ku tago dalalka dibada, isagoo sheegay in wadatashigu muhiim yahay si Somaliland u wanaagsanaato.
Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay bayaankii ka soo baxay wadamada Somaliland ka caawiya Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda.
Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland lagu ma jeerto dimuquraadiyada, islamarkaana ay hada haysato fursad fiican oo ay aqoonsi ku heli karto, ayna u baahantahay in wadada wanaagsan lagu wado.