Hargeysa (HargeisaPress) – Fanaankii caanka ahaa ee Safwaan Xasan Aadan (Safwaan Halac) ayaa xalay ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay magaalada Hargeysa.
Safwaan Halac, oo si weyn looga yaqaanay Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida, ayaa geeriyooday isagoo baabuurkiisa wadanayay, halka laba hablood oo la socdayna ay dhaawac culus soo gaadheen.
Geerida fanaanka ayaa gilgishay bulshada iyo fannaaniinta, iyadoo baraha bulshada lagu wadaagayo tacsi ballaadhan.
Safwaan waxa uu caan ku noqday heesihii uu qaaday tan iyo markii uu fanka ku biiray 2014, waxaana dhawaan uu sheegay inuusan fanka ku sii nagaan doonin.
“Ha la is cafiyo, yaan caloosha waxba layskugu qabanin, maanta haddii aan dhinto anigu qof keliya oo aan caloosha wax ugu hayo ma jiro, oo aan Ilaahay hortiisa la tagayo oo aan leeyahay qofkaas ayaan wax u haystaa,”Ayuu yidhi hoobalku muuqaal uu dhawaan soo geliyay baraha bulshada, iyadoo la moodo in geeridiisa loo sii sheegay.
Fanaan Qamar Suugaani, oo muuqaal iska soo duubtay isaga oo ilmaynaya, ayaa yidhi: “Aniga oo aan hadli karin oo hadalku igu adag yahay ayaa waxa la ii sheegay walaal aan aad u jeclahay inuu maanta iga hooseeyo. Alle Jannadiisa ha ka waraabiyo. Walaal aan jeclaa ayuu ahaa, 24 saacadood ka hor waanu wada joogayn, caawana isaga oo iigu soo socda ayuu Ilaahay iga qaatay.”
Waraysi dhawaan laga qaaday ayuu ku sheegay in aanu doonayn inuu fanka ku sii waynaado, balse uu qorshaynayo inuu ka fadhiisto, inkasta oo aanu garanayn goorta ay noqon doonto: “Mar walba niyaddayda way ku soo dhacdaa, laakiin maalinta ay tahay ma garanayo.”
Safwaan Halac waxa uu fanka kusoo biiray sannadkii 2014, xilligaas oo uu hees caan ah ka qaaday bandhig ay daadihinayeen wariyihii caanka ahaa ee Axmed Xasan Cawke iyo Nimco Samriye, oo ka baxay muuqbaahiyaha Horn Cable TV. Intaas kadibna waxa uu qaaday heeso badan oo hirgalay.

















