Maanta waxa aan daawaday hadalkii madaxweynihii hore ee jamhuuriyada somaliland Muse Biixi Cabdi oo si aan turxaan lahayn kalfuran isla markaana uu isagu bidayey sidii taladii uu wadey aheyd iyo go’aankii gudiga diwaangalinta ururadu is waafaqeen u hadlay .
Madaxweyne hore Biixi wuxuu meesha ka saaray maanta hadal hayn mudo dheer la isla dhex marayey oo ahayd inuu musharax Madaxweyne mar kale rabo.
Dhinaca kale wuxuu u muuqday inuu isku arko inuu talada xisbiga kulmiye isagu odey u yahay waxna ku leeyahay laakiin kooxo yaryari isaga iyo sxbkii kala fogeeyeen ama xurguf ka dhex abuureen inkasta oo uu hadalkiisa ka ilaaliyey turxaan .
Muuqaalka laga duubay madaxweynaha hore waxa uu u muuqday mid wax badan laga saar-saaray sidoo kale inuu sidan u hadlaa ahayd go’aan , waa sida wax iila muuqdaan e .
Muxuu ka yidhi sxbkii kaahin ?
Hadii uu sharaxan yahay isagaa codkayga leh waayo dadka tartamaya anigu isagaan garanayaa , waligayo colaadi nama dhex marin hadda na ma dhextaalo.
Laakiin markii aan eegay bulshada garawshiiyo inta siinaysaa way yarayd shacab iyo dawladba oo dadka qofwaliba wuxuu xasuusanayey uun baan is idhi markuu talada joogey !.
Mujaahid Maxamed
Isagana waxa aan daawaday Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muj Mohamed Kaahin oo si adag uga hadlaya hadalkii Muuse Biixi , qof kasta oo daawaday wuxuu dareemay in wax weyni jiraan waayo muj kaahin oo sidaa u hadlaya dadka badankiisu hore umay arag.
Waa marka labaad e wuxuu u muuqday in hore shaki ugaga jirey khilaafka xisbiga in sxbkii qayb ka yahay iyo in kale , hadalkiisa waxaa ku jirey hadal macnihiisu iila muuqday ” bagaad soo wada baxday muusoow ” .
Muj kaahin wuxuu si adag uga hadlay inuu isagu yahay Gudoomiyaha xisbiga kulmiye talada xisbiga isagu leeyahay, oo aan cid kale waxba laga weydiinayn marka xeerarka iyo shuruucda xisbiga la eego.
Dhinaca kale wuxuu u muuqday inuu aad uga xumaaday warqada gudiga diwaangalinta ururada iyo axsaabtu soo saareen oo uu u arkayey mid qorshihiisii iyo go’aanadii dhinaciisa u yaalay meesha ka saareysa.
Ugu dambayn waxa aad dadku ugu farxeen inuu Maxamed kaahin sidan u hadlo iyagoo oo ku sababaynaya abaalka uu muuse ku leeyahay iyo waxii ka dhexeeyey labadooda Laakiin aan ku saleynayn waxa la isku hayaa muxuu yahay iyo yaa gar leh .
Ugu dambayn xisbiga kulmiye waa xisbi qaran , waxii ka xumaadaa dalkuu ka xumaanayaa , laba mid uun bay noqonaysaa ;
1- Hala soo kala adkaado oo sharci iyo xeer iyo awood midkii la doono ha lagu kala adkaado e .
2- In loo gurmado oo la isku soo dhaweeyo si xeegona xeego u ahaato ilkona u nabad galaan.
Adiga maxay kula tahay.
Dhimbiil Mohamed
Mohamed Abdi Jama



















