Xudun (Hargeisa Press) – Wafti uu hogaaminayo Guddoomiyaha gobolka Sool oo ka kooban madax-dhaqameed iyo masu’uuliyiin kale ayaa maanta u baxay deegaanka Xudun, si loo joojiyo Colaada ka socota deegaankasi.
Waxaa lagu soo waramayaa in xaalada deegaanka Dhabardalool ee degmada Xudun ee gobolka Sool, ay degan tahay maanta kadib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay uu ka socdey dagaal beeleed sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Geesta kale ciidamada Milatariga Somaliland iyo Ergooyin nabadeed oo shalay illaa maanta gaadhay deegaankaasi, ayaa ku guuleystay in ay kala raraan maleeshiyaad beeleedkii ku dagaalamay degaankaas.
Waxa isa-soo taraaya baaqyada nabadaynta ah ee loo dirayo ardaayada wallaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool.
Dagaalkan ayaa ka bilaabmay kadib markii mid ka mid ah labada Beelood doonaysay inay Ceel-biyood ka qodato deegaanka Dhabar-dalool oo Holhol ka mid ah, balse ay Beesha kale u aragtay inay deegaamayn wadaan, sidaasi darteedna ay diideen, taasi oo dagaalka dhalisay.
https://youtu.be/oq8VzY15epc