Dowladda Qatar oo 3 Milyen oo Dollar ugu deeqday bulshada abaaruhu saameeyeen ee JSL.

0
294

Hargeysa (HargeisaPress)– Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe), oo ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha, ayaa shaaca ka qaaday kaalmo lacageed oo Dowladda Qatar ugu deeqday bulshadii abaaraha saameeyeen ee Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay in guddida abaaraha, iyagoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha JSL, ay si weyn uga mahadcelinayaan taageerada Qatar.

Waxa uu xusay in Dowladda Qatar ay siisay Somaliland 3 milyan oo dollar oo gurmad ah, taasoo ay kaga jawaabtay baahida bulshadeena.

Mudane Baashe ayaa xusay in taageeradani ay adkaynayso xidhiidhka walaalnimo iyo saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Somaliland iyo Qatar, isagoo sidoo kale Alle uga baryay in uu ka fududeeyo abaaraha dadka saameeyey.

Waxaanu yidhi.“Anaga oo guddida abaaraha kuna hadlayna Afka Madaxweynaha JSL, waxaanu uga mahadcelinaynaa Dowladda Qatar, waxa kaalmo aanu ka fileynay ugu deeqday bulshad reer Somaliland, ee abaaruhu ay haleeleen.

Dowladda Qadar ee aynu walaalaha nahay waxay ugu deeqday gurmadka Abaaraha 3 Milyen oo dollar waanu uga mahadcelinayna waana mid aanu ka fileynay.

Arrintani waxa ay adkaysa oo ay xoojinaysa xidhiidhkan walaalnimo iyo saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya JSL iyo dowladda Qatar, dowladda Qatar aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa, waxaanu rajeynayna in ALLE abaaraha ka fududeeyo bulshadeena”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here