Dowladda Finland oo joojisey kaalmadii ay siin jirtay Soomaaliya

0
999

Muqdisho (Hargeisa Press)- Dowladda Finland, ayaa joojisay wadashaqeyntii horumarineed ee ay ka waday Soomaaliya, kadib markii Soomaaliya diiday aqbalka dib u celinta muwaadiniinta u dhashay Soomaaliya ee ku sugan dalka Finland, Sida uu sheegay Wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta Finland Ville Tavio.

Finland, ayaa arrintan sabab uga dhigtay kaddib markii Soomaaliya ay diidday in muwaadiniinteeda laga soo tarxiilo Finland.

Wasiirka Ganacsiga ee dalka Finland Ville Tavio, ayaa sheegay in barnaamijka xukuumadda wadaaga ah ee Finland, sida uu qabo iskaashiga horumarinta Finland uu ku xidhan yahay heshiiska ah in ay waddamadu oggolaadaan inay muwaadiniintooda dib loogu soo celin karo.

“Hakintu waxay ka dhigan tahay in aan go’aano dhaqaale oo cusub la gaadhi doonin ilaa horumar la taaban karo laga gaadho iskaashiga dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga dalka Finland Ville Tavio.

Go’aanka, ayaa saameynaya barnaamijka gargaarka afarta sano ee soo socda ee Finland ay la sameyneyso Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga Finland Ville Tavio, ayaan sheegin tirada muwaadiniinta Soomaaliya ka soo jeeda ee sidan oo kale ah ee hore looga soo saaray dalka Finland.

Laga billaabo sanadka soo socda ee 2025, 8-9 milyan oo Yuuro, ayaa loo qoondeeyay iskaashiga horumarinta laba geesoodka ah ee u dhexeeya Finland iyo Soomaaliya, taas oo hadda la joojiyay.

Dalal badan, ayaa dhaqaalaha ay Soomaaliya siin jireen ku xidhay in Soomaaliya ogolaato in muwadiniinteeda dalalkaas ku sugan dib loogu celin karo, waxaana ka mid ah Sweden iyo Jarmalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here