Wasiirkii hore ee Cadaaladda Somaliland Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa sheegay in doorashooyinka madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladda ee la is raaciyay ay tahay hawl cusub oo soo korodhay una baahan in la sharaxo qaabka ay u dhacayso doorashadaasi. Aadan Dhoolayare waxa uu sidaasi ku faah-faahiyay qoraal uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakadda ee Somaliland.org, waxaanu u qornaa isagoo dhamaystiran sidan:-
“Waxaan jecalahay,inaan qormadan kaga hadlo qaabka ay u dhici doonto doorashada Madaxtooyada ee soo socota.
Waxaynu la soconaa inuu Baarlamaanka Somaliland dhawaan u codeeyay in doorashada Madaxtooyada iyo ta Baarlamaanka mar la wada qabto,kuna meel mariyeen cod inay mar wada qabsoomaan,islamaarka Madaxweynuhuna ku soo saaray digreeto uu ku aqbalay inuu ogol yahay in mar labada doorasho wada qabsoomaan.
Dabcan, weynu ognahay haddii labada doorasho la wada qabto inay inoo fiican tahay dhinac walba oo aanu dalku ku jirin in mar walba la kala qabto doorashooyinka. Hagaag hadaba aynu u guda galno sidee ayay u qabsoomaysa marka la isku xidho. Waxay ila tahay inay tahay hawl hor leh oo laga sugayo golaha sharci dejinta inay xeerka waafa jiyaan oo ay ka doodaan sida la isu waafajinayo labada doorasho.
Hadaba,sida aynu ognahay sadexda xisbi qaran waxay ku tartamyaan xildhibaanada u geli doona Baarlamaanka taas oo ay beelaha Somaliland u kala sharixi doonaan musharixiintooda sadexda Xisbi taas oo ku salaysaan sida ay beeluhu u kala taageeraan xisbiyadda.
Waxaynu ognahay inaanu musharuxu lahayn ikhtiyaar uu ku galo xisbiga uu doonayo,inta badan waxaa go’aanka iska leh ardaaga uu ka soo jeedo oo ka sharaxa xisbiga ay taageersan yihiin.
Sidaasi darteed,waxay tahay ujeedadu musharixiinta u tartamaya xilka madaxweyne sideebay ku soo baxayaan sidee loogu codaynaya
ma waxay noqonaysa sida loo kala xildhibaanno bato,taas oo ay noqonayso in musharixiinta oo qudha loo codeeya sidaana musharixii madaxweynuhu ku soo baxo.
Waxaynu ognahay in caalamka siyaabo farabadan loo codeeyo,oo mar la wada qabto doorashada Baarlamaanka,Madaxweynaha Deegaanka iyo qaar kale oo isku wada xidhan. Waxaa dhacaysa in musharaxa ardaaga aad ka soo jeeda ka sharaxan yahay xisbi aanad doonahayn musharaxiisa u tartamaya jagada Madaxweyne waa in la helaa qaabka la isu waafajinayo.
Waa laga yaaba inay u hayaan xal ama la helo talada ay ku suura gelayaan doorashada noocaas ah.Hadaba aniga oo kuu biirinaya taladayda xildhibaanada Baarlamaanka ee looga fadhiyo inay dejiyaan qaabka doorashada.
Waxaynu ognahay in shacabkeenu u badan yihiin bulsho aan waxba qorin inkastoo aynu soo maray dhawr doorasho hadana doorashada noocan ahi wey ku cusub tahay.
maxay tahay taladaydu,si ay u dhacdo inaad doorato xildhibaankaaga iyo madaxweynaha aad jeceshay oo laga yaabo in laba xisbi ka kala sharaxanyihiin
tusaale ahaan xildhibaanka beeshiinu wuxuu ka sharaxan yahay Kulmiye,,madaxweynaha aad doonayso inaad u codaysaana uu yahay Wadani
waa inuu qof waliba yeesha laba fursadood oo kala ah inla sameeyo warqad aad uGu codaynayso xildhibaanka aad doonayso islamarkaana warqad kale oo aad uGu codaynayso madaxweynaha aad u codaynayso oo laba xisbi ku kala jira.
Haddi la yidhaahdo xisbiyadu waxay ku kala guulaysanayaan sida loo kala xildhibaano badan yihiin oo ay kaambaynka galaan cidda ku tartamaysa xildhibaanimada,waxay noqonaysa inaanu musharaxa Madaxweyne hawlba gelin oo ku tashado inay soo saarayaan musharaxiinta xisbigiisu,sidii dhacday doorashadii golayaasha deegaanka ee uu noqday gudoomiyaha xisbiga sidii loo kala xildhibaano batay.
Waayo doorashadii golaha deegaanka lama dooran gudoomiyaha xisbiga ,,kaambaynkana waxaaa ordayay musharaxii degaanka oo kharash galay oo ay hawsha oo dhami ku dhacaysay taasina cadaalad may ahayn caalamkan kama dhacdo.inuu sida ku noqdo gudoomiye xisbi isaga oo aan la dooran tartana gelin ee uu ku noqday gudoomiya xisbi codkii ay heleen musharaxiintii xisbigu.
Doorashadan madaxweyne ee ay sadexda xisbi u tartami doonaan yaanay noqon noocaas hore oo kale, waa in la sameeyo nidaam loogu codaynayo musharaxa baarlamaanka, oo madaxweynaha la dooranyaana uu yeesho warqad loogu codaynayo sidaa ayuu ku noqonaya Madaxweyne xalaal lagu doortay.
Xataa haddi xisbiga madaxweynaha laga xildhibaano bato oo uu helo cod u gaar oo uu ku noqon karo madaxweyne waa ansax.
Sidaas awgeed waxa looga fadhiya golaha baarlamaanka sidii ay isu waafajin lahayeen ay u kala saari lahaayeen laba doorasho oo is barkan, hadana kala socda oo cid walba gaar keeda loo doorto.
wa bilaahi tawfiiq”