Dil ka dhacay magaalada Gabiley iyo Ciidanka Booliska oo ka hadlay

0
1553

Gabiley (Hargeisa Press)- Taliska ciidamada Booliska Somaliland ee gobolka Gabiley, ayaa waxaa ay faah-faahin dheeraad ah ka bixiyeen wiil dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay magaalada Gabiley.

Ciidanka, ayaa waxaa ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii dilka gaystay, islamarkaa uu ku jiro gacanta ciidanka.

Sidoo kale, waxaa ay ciidanku sheegeen in ay gacan ku dhiiglaha kiiskiisa u gudbiyeen Maxkamadda.

Waxaa kale oo ay xuseen in laba qof oo la socday gacan ku dhiiglaha dilka gaystay ay iyagana gacanta ku soo dhigeen.

Saddex wiil oo dhalinyaro ah oo wada socday, ayaa la sheegay in uu mid ka mid ahi dilay Marxmuuka isaga oo la fadhiya gabadh ay wada sheekaysanayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here