Dhulgariir cabbirkiisu yahay 4.9 oo ku dhuftay Itoobiya

0
1201

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dhulgariir xoogan oo cabarkiisu yahay 4.9 magnitude, ayaa waxaa xalay laga dareemay deegaanka Awash Fentale ee dalka Itoobiya.

Machadka arrimaha hawada ee Jaamacadda Addis Ababa, ayaa xaqiijiyay arrintan oo warsaxaafadeed uu soo saaray u qeybiyay warbaahinta gudaha.

Barta internet-ka ee rasmiga ah ee Mareykanka ee arrimaha dhulgariirka, ayaa ku dhawaaqday in dhulgariir dhexdhexaad ah uu sidoo kale ka dhacay deegaanka Methara.

Abbaaro 2:10 pm, dad badan oo deggan magaalooyinka Addis Ababa iyo Adama, ayaa baraha bulshada ku wadaagayay waxa ay dareemeen marka dhulgariirku dhacay.

Sida laga soo xigtay barta internet-ka ee Mareykanka, dhulgariirka ayaa dhacay abbaaro 2pm xilliga gudaha.

Barta, ayaa sheegtay in dhulgariirka oo ka dhacay meel 30 kilo mitir u jirta magaalada Mehtahara laga dareemay meel ka fog 380 kilo mitir. Wuxuu sheegay in xawaaraha uu ahaa 0.48 seken.

Dhulgariirka, ayaa gaar ahaan laga dareemay xaafado badan oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo dadka deegaanka ee Hayat, CMC, Bole Arabsa, Ka Abado iyo qeybo kale ayaa iyagana sheegay inay dareemeen dhulgariirka.

Sawirrada dhulgariirka, ayaa lagu baahiyay baraha bulshada waxayna muujinayaan dad badan oo guryahooda isaga baxaya iyagoo naxsan isla-markaana waddooyinka isugu yimid.

Barta Crisis24, ayaa ku warrantay in dhulgariirka laga dareemay bartamaha Itoobiya.

Baraha internet-ka ee korjoogteeya arrimaha dhulgariirka, ayaa sheegay in dhulgariirka uu ka dhacay meel 23 kiilo mitir u jirta deegaanka Awash, waxayna intaa raaciyeen inuu ahaa mid dhexdhexaad ah.

Dhanka kale barta kale ee arrimaha hdulgariirka ee Jaamacadda Berkeley ee Mareykanka, ayaa ku warrantay in dhulgariir 4.5 laga soo sheegay 30-kii September qeybo Yurub ka tirsan.

Dr. Elias Levi, madaxa machadka arrimaha dhulgariirka ee Jaamacadda Addis Ababa, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dhulgariirka aanu khatar ku ahayn dadka deegaanka.

Khabiirka, ayaa intaa raaciyay in dhulgariirka ka dhacay deegaanka Awash laga dareemay qeybo ka mid ah Addis Ababa.

Wuxuu intaa raaciyay in dhowaan uu dhulgariir ka dhacay gobolka Cafar ee dalkaasi Itoobiya.

Wax khasaaro ah amaba waxyeello gaadhay guryaha lama sheegin taasoo ka dhalatay dhulgariirkii xalay.

Saraakiisha Itoobiya, ayaa sheegay in si ku meel gaadh ah loo xidhay kaabayaasha gaadiidka ee halka uu dhulgariirku ka dhacay si baadhitaan loogu sameeyo.

Waxaa kale oo lagu soo warramayaa in xannibaad ku meel gaadh ah lagu sameyn doono isu socodka gaadiidka, balse si degdeg ah loo fasixi doono haddii ayna jirin wax waxyeello ah.

Ma aha markii ugu horreysay ee dhowaan uu dhulgariir ka dhaco qeybo ka mid ah Itoobiya.

Bishii August ee sanadkii hore, ayay ahayd markii dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 5.6 uu xilli fiidnimo ah ku dhuftay waqooyiga Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Ma jiro wax dhimasho iyo burbur ah oo xilligaasi la soo sheegay.

Dhulgariirka, ayaa ruxay dhowr magaalo oo ku yaalla waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, oo ay ku jirto caasimadda, Mekelle, sida uu ku warramay TV-ga Tigrayga.

Solomon Maesho oo ah sarkaal sare oo ka tirsan mamaulka Tigrayga, ayaa sheegay in dhammaan degmooyinka ku dhow xadka Eritrea laga dareemay gariirka.

Magaalada Irafalle ee dalka Erateriya, ayuu ka soo bilaabmay dhulgariirkan sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here