Dhoofka xoolaha Somaliland iyo Caqabadaha ku Gadaaman

0
1563

Dhoofka xoolaha Somaliland iyo Caqabadaha ku Gadaaman
Somaliland waxay Xidhiidh ganacsi oo qoto dheer la lahayd Dalalka carbeed muddo dheer,
Xidhiidhka ganacsi wuxuu kobciyaa ama kor u qaadaa, Dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin,
Dhinaca Xidhiidhka siyaadada iyo Iskaashiga caalamiga ah guud ahaantii ee wadamada jira
dunidan aynu ku nool nahay, dhinaca bulshada, Dhinaca Amniga iyo khilaafaadka oo ah qodob
badiba sababa ama keena in dunida guudkeeda la arkey/la arko wadamo hirdan siyaasadeed ka dhexeeyo, badanaa waxaa hubaal ah oo sababa in ay sababta koowaad ay tahay khilaaf ka dhasha sababo dhaqaale, Muran dhuleed iwm. qodobkan Hirdanka Dhaqaalaha haddii aan ku dul istaagno; dhaqaaluhu wuxuu hormuud u yahay dhinacyada aan kor ku xusney oo dhan wuxuu keenaa dhinac fiican oo ah in uu dheeraado ama taabo galo, ama lagu wada tanaado badi hadii uu ka kobco dhinacyada uu ka dhexeeyo.

Somaliland mudadii ay dunida ogeysiisey inay ka go,day, dunida inteeda kale, Somaliland
kamay helin wax aqoonsi ah dunida inteeda kale, sababtoo ah waxa jirey, walina jira caqabado hor taagan oo dhawra.
Somaliland waxay xidhiidh dhaqaale la lahayd dalal badan oo ay hormuud u ahaayeen dalalka
carabta, somaliland waxay kaabe dhaqaale ama ilo dhaqaale oo rasmi ah u lahayd xoolaha nool (livestock) oo ahaa kuwa ay Kobcin dhaqaale ahaan u soo adeegsan jireen dadkeedu xaga ku dabaridda nolol maalmeedka dadka dega arladani(somaliland).
Somaliland iyo Doorka Xidhiidhka Ganacsi ee Dunida (Somaliland and the role of trade
relations with other states in the world).

Xidhiidhka dhaqaale ee ay somaliland la lahayd dalalka shisheeye; maadaamaa uu horseed u
ahaa dhoofinta xoolaha nool (livestock exports). Somaliland waxay door horumarineed ka
samaysay dhawr dhinac oo la taaban karo.
Dalalka muddooyinkii u dambeeyey somaliland xoolaha nool u dhoofin jirtey waxay ahaayeen:
a) Sucuudiga.
b) Yemen.
c) Imaaraadka carabta.
d) Oman.
e) Iyo Masar oo Africa ah.
Waxay somaliland ka hantidey korodh dhaqaale waxay ka abuurtey marar badan shaqo abuur.
Asbaabaha faaiidada dhoofka xoolaha
1. Lacag adag oo soo gasha ama lagu badasho xoolaha nool
2. Isku bedelka Lacagaha qalaad iyo ta dalka oo saameyn fiican ku yeelata qiimaha lacagta
dalka.

Xaga wax soo iibsiga oo isna sare u kaca, waxay tani keentaa inaan lacag adi dalka ka bixin,
ama badalkeedii meesha soo galo oo badanaa lacagtii dalka ka baxaysay in u dhow ama u
dhigantaa soo gasho dalka keentana in hoos u dhicii heerka is barbardhiga ama dhoofinta iyo
soo dhoofsigu hoos u dhicii (trade deficit) isu badalo hab miisaaman (trade Balance).
Somaliland iyo xidhiidhka siyaasadeed (somaliland and political relations with foreign
states):
Xidhiidhka siyaasadeed wuxuu ka bilaabmaa jiritaanka dal (existence of state) iyo aragtida ku
aadan ee dalalka kale la leeyihiin, haddiiba aan jiritaan dal ahaaneed, ama dhul ahaaneed
(territorial existence) way adag tahay is fahamku, balse baahida labada dal ayaa u ah udub
dhexaadka jiritaanka, waxa tani aasaas u ah hagideeda sharciyada caalimaga ah, siiba qaanuunka
caalamiga ah oo sifeynaya ama sharaxaya, jiritaanka dal leeyahay.
Aqoonsiga ay somaliland rajeynayso wax badan wuu ka saameeyey, wax badana kama uu
saameyn.
Aqoonsiga haddii aan dib u jaleecno iyo doorka diplomaasiyada (Role of diplomacy) Taas oo ay ka ciyaarto aqoonsiga jiritaan dal ama hab macaamilka oo ka aasaasmaya:
1. Hab buuxa shuruuc ahaan iyo 2. Hab maamuus gaar ahaaneed ama kumeel gaadh ahaan).
Doorka qaanuunka caalamiga ah iyo xidhiidhka wadamada, waxa sharaxaya qodobadan, hadda waa dhanka jiritaankee:
1. Wuxuu joogteeyaa ama sugaa xidhiidhka dhanka dhaqaale/bulsheed/siyaasadeed, aan
idhaahdoba gaar ahaan isu socodka maal aduun iyo dadkaba.
2. Wuxuu qaanuunka caalamiga ahi sahlaa kala xadeynta iyo kala gurida haddiiba hadal
ama muran dhaqaale ama siyaasadeed yimaado.
3. Wuxuu Dabraa ama xakame u noqdaa ficilada ama odhaahyada khaldan ee dhex mara
dalalka dunida, ha noqoto dhan siyaasadeed ama dhaqaale ama dhan bulshoba.
Haddaba qaanuunka caalamiga ah waxa la aqbalay inuu yahay fure ama agab lagu gaadho u
yahay aqoonsiga.
Aqoonsiga somaliland maaha mid aan sidiisaba la gaadhin si marka loo eego, hadda ogow waa xaga macaamilka ama xaga dabarka muranka jiritaan ee somaliland iyo Somalia ka dhexeeyee.
Dalalka jaarka ah badi waxay ku dhaqmaan hab siyaasadeedka ah ula macaamil dal (dhanka
amni , dhaqaale iyo dhanka xidhiidhka bulsheed ee xuduudka ka gudba).
Dhanka amniga waxa dal kasta uu ku khasbaa inuu danihiisa u sahlo ama ula macaamilo dal
kastoo kale oo dani ka gasho ha jiro sharciyan ama yaanuu jirine hadiiba uu ka arko dano amni oo lama huraana. Kuma koobna jaar iyo xuduud wadaag, balse qaarad ilaa qaarad ayuu socdaa.

Somaliland in badan waxay raadisaa aqoonsi xidhiidh siyaasadeed, balse qodobkan aan ka
hadleyno wuxuu sahlayaa, xidhiidh dhaqaale iyo mid bulshoba.
Somaliland waxa dal ahaan xidhiidh dhaqaale oo xaga xoolaha ah la lahayd ama u dhoofisaa
dalka Sucuudiga oo Hilib ahaan iyo xilliga xajka awgeedba u iibsadaan xoolo badan, sanad
walba, Balse waa xilliyadee? Ma joogtaa? Maxaa keena kala go’a? Hoos ayaan ku faahfaahin
doonaa insha alla.
Waxay somaliland dal ahaan ula tartantaa dalalka sucuudigu ka soo dhoofsado adhiga, sida
sudan, Australia, Somalia, Djibouti, yemen, iyo dalal kale oo badan.
Somaliland waxay hortaagan caqabado badan oo xaga dhoofka ah,
Maxaa keena?, maxaa looga hor tagi karaa? maxaa loo baahan yahay si loo kordhiyo cadadka xoolaha dhoofaya?
Su;aalahaasi oo dhan haddii la doonayo sidii looga jawaabi lahaa, waa in la sugaa xogta
jawaabahan rumeynaya oo ah dariiqa saxda ah ee loo maro cilmi baadhis haddii la sameynayo,ama xogogaal u noqosho dhinac kastaa la rabo in la helo.
Dal kasta waxaa tiir dhexaad u ah dhaqaale kobociisa, inta kheyraad dal leeyahay, inta baahi
jirtana waa daba taal ama hortaal oo ah ta keenaysa fikirka dhaqaale ee kobcin ama sugid. Ogow Waa ta sahleysa, sifaha lagu garan karo, ama lagu jaangoyn karo, waa tan aan rabno inaan miqyaas ka dhigano!.
1. Intee xoolo dhoof gali kara sanad kasta oo dalkeena laga heli karaa?
2. Intee baahi uu dabooli karaa haddiiba suuq loo helo?
3. Intee Baahi agab dibadeed lagu dabari karaa, si loo ilaaliyo lacagta adage ee dalkeena ka
baxaysa ama Dheelitiranka Iibsiga iyo iibgeynta?
4. Tiro intee leeg cadad ahaan ayaa aynu u baahanay inaan dhoofin karno?
5. Tirada aan haysanaa ma kaafiyeysaa dalabka la heli karo?
Haddaba,
6. Maxaad ka ogtahay adhiga dalkeena ka dhoofa?
7. Ma dalalka jaarka ayay inooga yimaadaan xoolaha nool ee aan dhoofinaa (badi ama badh
ahaanba?
8. Ma xoolaha somaliland ayaa dalalka dariska inoo daaqa oo aan dhoofina? Mise dalalka
jaarka ayaa lehba?
9. Maxaa keenay/keenaba xoolaha somaliland in xoolaleydu ula dheelmadaan dalalka
jaarka?
10. Ma yihiin sababo la garwaaqsan karo, haddiiba somaliland ayna lahayn bey’ad ku haboon
xaga dhaqashada xoolaha?
11. Door intee leeg ayay ku leedahay dawladu dhoofka xoolaha guud ahaan?
12. Door intee leeg ayay siyaasada somaliland ee dalalka shisheeye ku leeyihiin iibka
dhoofka xoolaha nool?
Su’aalahan kor ku xusan oo dhami waxay aasaas u yihiin sugida xoolaha nool dhoofkooda iyo caqabadaha la aqbalay inay jiraan xalintooda.
Somaliland waxay leedahay Dekedo ay xooluhu ka dhoofaan, waxay leedahay nidaam dakhli
maamul oo lagu maamulo/dawladuna ku maasho xilliga dhoofka xoolaha, waxay leedahay
qorsheyaal mustaqbal oo lagu hiigsanayo yoolka horumarineed ee xoolaha iyo dhoofkooda
xilliga dhaw ama fogba , Balse ma wada fulin qodoban dambe sababo jira awgood, hoos baan ku faahfaahin asbaabta.
Xafiisyada dibada uga Furan somaliland iyo Doorka Xidhiidhka Ganacsi
Somaliland waxay leedahay xafiisyo xidhiidh dibadeed oo dhaqaale iyo siyaasadba ah, balse
wali kama midho dhalin shaqadoodii loo igmadey oo ah; inay noqdaan dariiqa laga gudbiyo
siyaasada iyo ujeedooyinka dalku ka leeyahay danaha dalalka kale.
Dib u xasuuso, Xidhiidhka dhaqaale iyo Doorkii AHUN madaxweyne M haji Ibrahim Egal.
Waxa aan la hilmaami Karin safaradii marxuum egal iyo kulamadii gudaha iyo dibada ee
wakhtigiisii oo aan ka xuso, safar kasta oo uu dibada ugu baxayo badanaa Muxuu u kaxeynsan jiro Xubno ganacsato ah?
Ogow, wuxuu ku talo gal ka dhigan jiran, in aan xidhiidh siyaasadeed kaliya aanuu ku koobnaan safarkiisu balse si uu:-
1. U soo garaaco albaabo xidhiidh oo dhaqaale abuuri kara.
2. Si uu u baro in Dawlada oo kaliya aanay ku filneyn albaabada loo baahan yahay in la
garaaco.
3. Si uu indhaha ugu furo ganacsatada dalka iyaga laftirkooda oo ah inay ka faaiideystaan
safarka uguna faaiideeyaan dalka haddiiba ay fursad u soo baxdo fusho na.
4. Si uu u Sahlo Isku xidhka Ganacsigeena ku koobnaa wax soo iibsiga kaliya.
Dib u eeg Xidhiidhkii Ethiopia, dhinaca xafiiska ganacsi ee ugu horeeyey ee hargeisa itoobiya ka furatay, xasuuso in somaliland paspportkeedu markii dambe noqdey mid ay ku galaan itoobiya dadka reer somaliland, ogow abaal horena somaliland u hayeen itoobiyadii hore xilligii
dagaalada.
Wuxuu qaadey talaabo diplomaasiyadeed oo ahayd inuu noqdo qofka ugu horeeya ee ka hawl gala heshiisiinta Ethiopia iyo eriteria oo ahayd isla xilligii isagu kursiga ku fadhiistey, wuxuu xidhiidhka ganacsi /wada shaqeyneed ee jabuuti saluugey isla sanadkii ugu horeeyey ee uu dalka hogaankiisa gacanta ku qabtay, isagoo ka eegayay dhinaca xidhiidhka ganacsi oo ay dabar ku ahayd jabuuti oo wakhtigaas heshay jaaniska labada geesood ee eriteria oo go;doon ka noqotay xoolihii itoobiya u mari jirey xidhiidhkooda xumaadey awgeed, iyo Somalia iyo somaliland oo iyaguna kala go;ay dagaalana saameyn weyn ku yeesheen noloshooda.

Midaas iyadoo ay tahay mid ay jabuuti u aragtay Jaanis dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo u soo ifaya, balse AHUN marxuum Egal way u cuntami weyday habka xidhiidhka gobolka iyo
somalilandba ee jabuuti.
Waxaan uga socdaa;
Diplomaasiyada xidhiidhka dhaqaale lagu hanta kuma xidhna awooda dal ahaan, iyo jiritaan dal la aqoonsan yahay, balse ogow waxay ka soo maaxataa fikir la odorosay, la darsey, la isku keeney, lana koobey oo meel marin iyo fulin uun u baahan, Ogow hungowga ficil maaha
maxsuulka khasaaraha, balse waa tijaabada guusha.

Somaliland waxay leedahay dariiq diplomaasiyadeed oo ah kulamada iyo booqashada dalalka
shisheeye, balse waxa gunti giijis u baahan xidhiidhka dhaqaale iyo diplomaasiyadeed oo loo
mari karo oo kaliya u baahan in la adeegsado qorrsheyaal qoran,sugan,oo faahfaahsan, lagana baaraan dagay.( Haddii ba Roob da’o , shimbiruhu roobka waxay ka galaan hadiiba uu soo da’o, meel aanu ka soo gaadhin, balse Gorgorku waa ka duwan yahay oo wuuba ka dul maraa daruurta, sababtuna waxa weeye: dhibta waa laga siman yahay, balse sida loo waajaho ama loo xalliyo waa lagu kala aragti duwan yahay.

Somaliland “Dhoofka xoolaha” waxaa gacanta ku haya ganacsato leh shirkado gaar ah, oo
muwaadiniin iyo shisheeyeyaal ba leh. Waxa iibka haga badanaa shirkadaha gudaha, waxaana
ay ku xidhan yihiin ama xakamaha u haya shirkadaha shisheeye oo fududeyn ka helay dawlada somaliland dhanka heshiishka inay ka dhoofsadaan loona siiyey ruqsado ganacsi.
Xoolaha ka dhoofa somaliland waxay leeyihiin darajooyin lagu xusho xoolaheenu, oo ka kooban ugu yaraan afar (4) derejo,
waxay summad u yihiin adhiga geeska, nooca ka dhoofa somaliland waxa dunida looga yaqaanaa(berberawi). Waxa ay ka baxaan oo ka gaadhaan dalka loo iibgeynayo seyladaha dalka oo baddisadex waaweyni shaqeeyaan, ama ugu suuq badan ama se si toosa ugu xidhan yihiin dekedda dalka ugu weyn ee Berbera. Waxay sahlaan seyladuhu kala xulashada ama kala gadashada xoolaha iibka u ah dhoof ama gawraca.
Waxa badi dadka ka shaqeeya loo kala soocaa : sadex ama afar nooc oo kala ah :
a) Dilaal dhoofiye.
b) Wakiil dhoofiye/dhoofiste.
c) Dilaal Yare.
d) Faashle.
Waxay ku kala duwan yihiin sadexdan kooxood,
a) Nooca iibka xoolaha.
b) Cadadka xoolaha la kala Iibsanayo.
c) Iyo Cida ay u dhexeeyaan.
Badi wey ka siman yihiin laga iibsadaha mid mooyee, oo ah Shirkadaha waaweyn iyo xoolo
dhaqatada iibka u keena toos xoolahooda, isma soo gaadhaan oo waxa u dhexeeya dilaalka ama wakiilka shirkada dhoofka. Dilaalka shaqadiisu waa kala qarin iyo hadana ku qancin labada
dhinacba inay aqbalaan iney kala iibsadaan. Kala iibsigu wuxuu ka dhacaa, dhawr meelood toos ahaan: (a) Seylada xoolaha, (B) Goobaha miyiga iyo Dekedda magaalada ay ku taal.
Xarumaha naaxinta xoolaha dhoofka Somaliland Xoolaha waxa lagu sii xanaaneeyaa ama nasiyaa, maxjaro (goob xanaano xoolaad) oo ku yaala Marsada ugu weyn somaliland. waxa ku yaala Magaalada berbera oo Ruqso ganacsi ku hawl
gala (sharci u haysta) sadex shirkadood oo hadda hawl gala kana shaqeeya xanaanada xoolaha somaliland ka dhoofaya.

Dhoofka xoolaha iyo sanadihii tegay
Sanadadii tegay iyo xoolaha somaliland, waxaan ka hubaa in uu kala duwanaa iibka iyo dalabka la helaayay sanadadii hore, kaas oo saameyn ku lahaa:
1. dhinacyada heshiisyada.
2. Baahiyaha dhoofsadayaasha.
3. Xogta ka gaadha xooleheena dhoofsadayaasha dalalka shisheeye , oo aan kor ku xusey,
oo noqon kara mid (Run ama been abuur ku saleysanba).
Noocyada xoolaha somaliland ka dhoofaa waa:
a) Geel.
b) Lo.
c) Adhi (Orgi iyo Wanan).
(FG: xoolaha Somaliland ka dhoofaa kaliya waa lab, maaha dhedig).
Cadadka tiro ee dhoofay waxay kala ahaayeen muddadaa 16 ka sano ah sidan hoos ku
faahfaahsan:
Wadar Guud ee ka dhooftey Dekedda Berbera (2002-2017)
Tirsiga Sanadka
Adhi
(Orgi/Wanan) Lo Geel Wadar
1 2002 357,754 313,592 21,193 692,539
2 2003 544,485 74,764 19470 638,719
3 2004 860,127 122,505 8,579 991,211
4 2005 1,021,399 145,945 4,741 1,172,085
5 2006 1,200,289 97,333 23,512 1,321,134
6 2007 1,151,061 83,978 15,117 1,250,156
7 2008 1,208,904 81,668 25,792 1,316,364
8 2009 1,554,327 88,048 20,414 1,662,789
9 2010 2,352,217 134,934 98,188 2,585,339
10 2011 3,116,978 150,905 106,167 3,374,050
11 2012 3,191,434 190,606 101,686 3,483,726
12 2013 2,852,875 202,548 73,789 3129212
13 2014 3,054,416 245,950 63,385 3,363,751
14 2015 3,159,883 150,880 54,039 3,364,802
15 2016 2,806,612 151,288 55,723 3013623
16 2017 1,327,185 107,610 38 1434833
Wadarta Guud 29,759,946 2,342,554 691,833 32,794,333
(Tixraac: Rugta Ganacsiga Somaliland)
Sanadkan 2018 iyo dhoofka xoolaha
Markii labo sano ay xidhnaayeen xooluhu oo ahayd hadba baahidooda (waa dalalka shisheeyee), maadaama aanuu jirin tartan xoogan oo xoolaheena loo soo galay oo muuqdey oo ah inay ku qanacsan yihiin, sidii wakhtiyadii hore, Maadaama ay jireen xanuuno lagu sheegey muddo aan sii fogeyn in xooleheena iyo guud ahaan geeskaba ay qabaan, maadaama aanuu jirin baahi joogta ahayd oo ay muujiyeen dalalka ama shirkaddaha shisheeye ee inaga dhoofsadaa, maadaama ay jireen baahi xoogan oo xageena(somaliland) loo qabay dhoofka xoolaha maadaama baahida
dadkeena xoola dhaqatada ahi qabeen ay sii kordheysay sanadba sanadka xiga, maadaama aanuu jirin dadaal xoogan oo dhinaca dhoofka xoolaha ah, ama xidhiidh siyaadadeed oo sahley oo ay sameeyeen dawladahii kala dambeeyey, ugu dambeyn maadaama aanay jirin dalab kaliya aan ahayn ka xilliga xajka lagu gudanayo dalka sucuudiga, kaliya waxa ka muuqda iibka bilaha ahaa ee sanadadii ina soo dhaafey korodh ah bilaha ku began xilliga xajka.

Dhoofka sanadkan 2018 wuxuu u muuqdaa mid aan aad uga duwanayn sanadadii hore, tiro
ahaan, Geela tirada inaga dhooftey waxay ka yartey sanadii hore, badi geela waxa inaga qaadan jirey wakhtiyadii hore Masar, Mar walba waxa ugu badan tirada dhoofka xoolaha Adhiga yar yar (small ruminants oo ah (Orgida iyo Wananka), dhoofka xooleheenu wuxuu ugu badnaa
sanadkii 1997 oo ay Berberi noqotay dakada kali ah ee xoolaha ugu badani sanadkaa ka
dhoofeen sida ku cad report yada laga qoray sida kii World Bank ku ka diyaariyay dhoofka
xoolaha, hey’ada cunada aduunka u qaabilsan qaramada midoobey iyo Wasaaradeena xoolahaba.
Sanadkan tirada ugu badan oo ah xoolaha ahi waxay u baxeen Saudi arabia, bishii hore ee july iyo bishan august oo ah xoolaha xajka u baxay,waxay ilaa hadda gaadheen 750000 (todoba boqol iyo konton kun oo neef) walina ay socdaan dhoofkoodu.
Somaliland waxa xoolaha badi uga yimaadaan sida lagu qorey laguna baahiyay mareegaha
wararka, (Cod iyo Qoraal ahaanba), boqolkiiba konton ilaa lixdan (50 – 60), dalalka jaarka la ah somaliland ee Somalia ( gaar ahaan Gobolada dhexe) iyo Ethiopia (Gaar ahaan Kililka shanaad).
Dalalka jaarka iyo xidhiidhka Xoolaha dhoofka
Xoolaha nooli waxay badi ku xidhan tahay dhaqashadiisu? nidaamka reer guuraaga ah ee hadba halkii baad iyo biyo leh, xoolaha dhoofka ee ka yimaada dalalkani (jaarka la ah somaliland maaha badi kuwo sifo nidaam dawladeed ama xidhiidh ganacsi kaga gudba xuduudaha ama nidaam sharci loo maro, balse waxa kaliya loo maraa ama xooluhu u kala gudbaan xuduudaha dalalka jaarka nidaam dhaqameed maadaama adhiga qoorta madow uu yahay ka kaliya ee ku eeg arllada soomalidu degto kaliya, waxa badanaa uu u eeg yahay habkan isu socodka xoolo dhaqatadu nidaam fure u ahaa, haddana u ah: isku socodka iyo isu gudubka dhanka xuduudaha oo aan ku sheego karo inuu yahay, Halka kaliya ee ka hadhey ama aanay saameyn ku yeelan kala
qoqobkii arlada soomaalidu dagto uu ka hirgeliyay ingiriisku.
Nidaamkani saameyn dhaqaale kuma yeesho Labada dale e ay u kala gudbayaa (sida iyadoo aan cashuur iyo Tacriifad toona loo marin, khasabna aan laga dhigin xoolo dhaqatada inay afaafka dal laga soo geliyo badeecad lala doonan) waa hadii uu lagu gudbinayo lugta’e). macaamilka dawlad iyo dawlad u kala qataana aan ahayn, balse ah mid ka ay hadda tahay in Africa guud ahaan si loo sahlo in yar uun Hiigsigii 2030 ka ee qaarada isku xidhnaanshaheeda ee madhalayska baddi ku Idlaadey ilaa hadda.Carqalahada Dhoofka xoolaha Somaliland
La soco qeybta dambe……………..
Ururintii iyo Qalinkii:
Abdiqani Abdilahi Mohamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here