HARGEISA– Ugu horreyn, wakhti kooban uu gacantayda ku jiray buugga miisaanka caddaaladda iyo muhiimadda sharciga ee uu qoray guddoomiyaha xisbul xaakimka dalka ee WADDANI, mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan. Marka koowaadba waxa gorfeyn iyo fahan dheeraad ah kaaga baahan magaca buugga iyo falsafadda isku haysa afartan erey ee nolosha bulshada, wadajirka, ummadnimada iyo wada lahaanshaha bulsheed muhiimka u ah. Dabcan, macnaha dhabta ahi waxa uu ku jiraa inta u dhaxaysa labada sadar ee magaca buugga oo ah miisaanka caddaaladda iyo muhiimadda sharciga, falsafadda isku haysaana waa aragtida qoraha buugga oo ku qalabeysan jiraal siyaasadeed iyo aragti fogaan arag ah.
Buuggu waxa uu diiradda saarayaa oo uu ka kooban yahay 6 qaybood, 26 cutub, afeef, hordhac, gogol-dhig iyo gunaanad. Dhammaantoodna waxa ay ka hadlayaan qodobadan soo socda:
▪︎ Falsafadda, qaanuunka, iyo shareecada,
▪︎ Caddaaladda qofka, bulshada, iyo nolosha guud,
▪︎ Nidaamka caddaaladda iyo garsoorka qaranka,
▪︎ Sooyaalka iyo dhismaha garsoorka Somaliland,
▪︎ Fahanka dacwadda, jidadka sugidda caddeynmaha iyo qaddiyadaha saameynta ku leh dacwadaha,
▪︎ Dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku gedaaman hannaanka garsoorka Somaliland,
▪︎ Horumarinta iyo dib u habeynta garsoorka oo lku dhidban hal-xidhaalaha soo-jeedimaha qoraaga.
Dhinaca kale, qoraaga buuggu waxa uu gorfeyn iyo raadraac cilmi ku sameeyey aagag muhiim ah, sid:
▪︎ Xoojinta madax-bannnaanida garsoorka,
▪︎ Helidda adeegyada sharci iyo xallinta xaqabadaha ku gedaaman garsoorka Somaliland,
▪︎ Falan-qeynta cilmi-baadhista garsoorka, si loo helo kalsoonida dadweynaha ee garsoorka.
▪︎ Dhibaatooyinka ka taagan madax-bannaani la’aanta garsoorka, iyo isla xisaabtan la’aanta.
▪︎ Gorfeynta nidaamkii garsoor ee xilligii maxmiyadda,
▪︎ Milicsiga iyo falan-qeynta guud ee nidaamka garsoor ee xeer-dhaqameedka Soomaamida .
▪︎ Qeexnaanta caddaladda, doorka qaanuunka iyo falsafadda dhaqanka Soomaalida.
Sidoo kale, marka intaa laga soo gudbo, dhidibka iyo tiirarka waaweyn ee sida xanjada iskugu haya buugga miisaanka caddaaladda iyo muhiimadda sharciga waa tixraacyo sugan iyo xigashooyin maangal ah. Sidoo kale, lifaaqyada sugan ee buugga miisaanka caddaaladda iyo muhiimadda sharciga, waxaa ka mid ah:
▪︎ Nusuusa qur’aanka ee caddaladda iyo garsoorka,
▪︎ Cilmi-baadhis ku adeeg-helidda sharciga iyo caqabadaha ku gedaaman garsoorka Somaliland.
▪︎ Qaab-dhismeedka garsoorka Kenya,
▪︎ Qaaciidooyinka Usuulu fiqiga ee caddaaladda iyo hannaanka nodaamyada garsoorka.
▪︎ Dhambaalka garsoorka, iyo aragtida aas-aasiga u ah edboonaanta garsoorka ee The Bangalore principles of judicial conduct-2002.
▪︎ Mabaadi’da maxkamdaeynta caddaaladeed.
▪︎ Tagrifalka awoodda ciidan, tabashada bulshada, iyo tayada ciidanka booliiska.
Ugu danbeyntii, buugga miisaanka caddaaladda iyo muhiimadda sharcigu waxa uu ku qoran yahay Af Soomaali hodan ah, qeexan, xidhiidhsan, erey xulasho leh, xaslin, xuslin, iyo xurmeyn leh, oo qofka akhriyaa uu ka dheefayo ogaal aqooneed oo ku aaddan ahmiyadda qoraalka, dhiiraanaanta siyaasiga, tolmoonaanta hoggaamiyaha, iyo doorka sharciga iyo qaanuunka. Sidoo kale, waxa buugga ku jira suugaan waaqic ah, aftahannimo qofeed, iyo maahmaahyo Soomaaliyeed oo muujinaya sida dadkeennu awal hore u qiimeyn jiray sugnaanta caddaaladda, iyo ku dhaqanka sharciga. Waa buug u qalmada in aan ku tilmaamo marjac qaanuuni ah, wuxuuna into asteynayaa in uu qoraha buuggu yahay hoggaamiye ku sifeysan astaamo ka geddisan dhammaan astaamaha ay leeyihiin siyaasiyiinta xilligan u xayn-daaban xilka iyo metelaadda bulshada.
Jamal A. Muse.