Qarankan Xukuumadihiisa kala danbeeyey waxa kaliya ee ay shacbigiisu ku qabeen waxuu ahaa inay qabeen yididiilo, Bari Maanta Ka Fiican, isla Markaana Nabad-galyadooda ay xukuumaduhu u ilaalin jireen qiyaas kayar 40%, Halka 60% Kale kale ay bulshadu ilaashan jirtay, oo ay lacag gaar ah ku bixin jireen ilaalada xaafadaha kala duwan, sidoo kalena ay bulshadu ahayd kuwo dharcad ah, oo aanuu ku dhex dhuumankarin qaswade, Balse Waxaabad Moodaa inuu meesha kasii baxayo 40% gii yaraa ee xukuumadu ilaalinaysay qudhiisu.
Waxaana xusid mudan inay xukuumadu ay hore ugu fashilantay inay shacbiga cashuurta laga qaadayo ay ugu adeegto oo uu qofkasta oo muwaadin ahi uu ka helo xuquuqihiisa Dastuuriga ah, Si Waafaqsan, Qodobada15aad, 16aad,17aad, 18aad,19aad, 20aad,25aad, 27aad, 28aad, Ee Dastuurka Qaranka JSL, oo sicad ugu waajibiyay dawladu inay siiso shacbigeeda, qodobadaas sare ku xusan, oo nuxur ahaan ay bulshadu ka aradnayd intooda badanba 30kaas sano ee somaliland ay jirtay, balse naruuro aynu ka qabnay inaynu helo, isbadal midho dhala ama “Bari Maanta Ka Fiican” waxaana marag ma doon ah inaynu hore uga la,ayn xukuumadaheena kala danbeeyey in muwaadinku uu helo xaquuqdiisa dastuuriga ah ee qodobada sare ku xusan ee kala ah xuquuqda caafimaad, waxbarasho, shaqo abuur, hoyga, xoriyaadka ilaalinta xogta muwaadinka iyo is gaadhsiineed, xuquuqaha fikir cabir, iyo Amni, iyo xaqa helida biyo nadiifa ah, iyo in cashuurtaada lagaaga qaado ama laguugu nadiifiyo deegaanka, iyo WLM, ah, waxaana xusid mudan in cashuurta bulshada waxa uu xeerku ugu waajibiyaa ay tahay in xukuumadu ay ugu hirgaliso, dhamaan adeegyadan Aasaasiga u ah bulshada, kuna waajibiyay dastuurku, balse aanay cashuurta ahayn inuu muwaadinku u bixiyo isagoon waxba aanay kaga soo noqonaynin adeegyadan uu muwaadinku xaqa u leeyahay ee dastuuriga ah.
Isku soo wada duuboo waxaan xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha qaranku aan usoo jeedinayaa kuna boorinayaa Labadan Qodob Ee Kala ah,
1. Ugu horayn mudane madaxwayne sanadihii ugu danbeeyey waxaa meesha kasii baxayay Haykalkii ama dabeecadii hogaanka ciidanka Poliska ee amniga sugayay, waxaanad labadiina madaxwayne aad Ciidankii booliska ka halayseen dhabihii shaqo iyo waayo aragnimo ee looga baahnaa Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Waxaanad ka dhigteen Ciidankii Amniga Police Milato, halkaasna waxaa ku lumay Aqoontii, xirfadii iyo khibradii shaqada Ciidanka Booliska, oo isku badalay dabeecad ahaan ciidan difaac, Sidaas darteed Waxaan soo jeedinlahaa in Dabeecadii “Nature” ka shaqada ciidanka booliska Lasoo Celiyo,
2. Waxa kale oo aan kuu soo jeedinayaa
inaad bulshada cabashadeeda aad dhagaysato, islamarkaana aanay suurtagal ahayn in caasimada oo ugu amni badnayd ay maanta hooyooyin sidan uga dhex ooyaan iyagoo amniga nafahoogu uu halis ku jiro, waxaanan aaminsanahay in lasoo gaadhay wakhtigii haayadaha ay khusayso lagula xisaabtami lahaa sharciga iyo kala danbaynta,
3. In Boolisku ay iskula xisaabtamaan xaafadaha amnigooda looga cabanayo sidan badheedhka ah ee saldhigyadu aanay waajibaadkoodii sharci ka gudan qaswadayaasha iyo sababha ka danbeeya in hogaanka boolisku wax iska waydiiyaan, oo aan la dhayalsan.
3. Ugu danbayn waxaan dadwaynaha kala duwan usoo jeedinayaa inay nabadooda isku abaabulaan sidii ay si wada jir ah ugu ilaashan lahaayeen, oo aanay rajo dhigin ee ay awalba iyagaa lacagtooda gaarka ah ku ilaashan jiray dhalinyaro gacan siisa ciidamada amaankee inay iska kaashadaan sidii ay u gacan siin lahaayeen ciidankooda.
Xaqsoore Waa Alle
W/Q: Garyaqaan Yuusuf Biixi Talo-same