Waxay koobsan Doontaa ka jaawabidda su’aalo Dhawr ah oo ay ka mid yihiin:
- Intee inleeg oo Shaqaale ah ayey qaadatay Wasaaradda intii ay joogtay Wasiir Samsam/
- Haday jiraan ma sifo Sharci ah ayey ku Yimaadeen Shaqaalahaasi mise sifo sharci dara ah ?
- Waa maxay sababta loo badalay Agaasimihii hore?
- Waa maxay sababta Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada loogu soo wareejiyey Wasaaradda Maaliyada?
- Xidhiidh nooce ah ama wada shaqayneed ba ka dhexeeyey labada masuul ee kala ah wasiirada Maliyaada iyo Agaasimaha Wasaarada Maaliyada markay ay ka wada shaqayn jireen W.Wabarashada.
- Maxaa ka jira in Wasiir Samsam Cabdi Aadan ay u badiso Maaliyadda ama Kharashaadka hayadaha iyo wasaaradda ay maamulaan ama ay ka madaxda yihiin kuwa ay isku haybta yihiin.
- Sifo nooce ah ayaa loo bixiyey qandaraaska adeega loogu bixiyo wada mariska kuwa hadda iyo kuwa soo socda haday noqoto adeega hadda lagu xayasiiyo warbaaxinta
Waxaad isweydiinaysaan muxuu u dortay mawduucan inuu ka hadlo , muxuu uga qori waayahay wasaaraddo kale se u doortay wasaarada maaliyada, waxaan ku xusi doona sababta aan u door biday ugana qoray qormadan qoraladayda taxana ah.
Qalinka: Mohamoud Abdiqadir
eng.mohamoudabdiqadir@gmail.com