“Dhaqan geyigga Soomaalida ku cusub ayaa ka jira Laascaanood”…

0
452

Laascaanood (HP): Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilalka soo noq-noqday ee muddooyinkan danbe ka dhacayay magaaladda Laascaanood.
Waxaanu ku canaantay waxgaradka, culimadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda magaaladaasi sababta ay uga aamusan yihiin dhacdooyinka foosha xun ee ka dhaca magaaladda Laascaanood.
Dhawrkii todobaad ee ina dhaafay waxaa magaaladda Laascaanood ka dhacay dilal qorshaysan oo lagu dilay ilaa lix qof.


Axmed Muumin Seed, waxa uu tilmaamay in dilalka qorshaysan ee muddooyinka ka dhacay Laascaanood aanay geysanaynin cadow shisheeye oo ku soo duulay.
Balse ay yihiin kuwa laga soo dhex abaabulayo gudaha magaaladda Laascaanood, isla markaana falalka noocaas ah aan loo adkaysan karin.
Wasiirka beeraha Somaliland waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay xidhitaanka shir lagu dhex dhexaadinayay laba beelood oo lagu soo gebagabeeyay deegaanka Adhi-cadeeye.
Isagoona ka mid ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland oo ergadda dhexdhexaadinta shirkaasi ku metelayay xukuumadda Somaliland.

Daawo: Hadalka Wasiir Muumin Seed:

https://youtu.be/oy-NMKUPVpA

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here