Hargeysa,(HargeisaPress) – Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Maxamed Faacuul, oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud ee WWB&S Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi iyo Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay fasalo lagu kordhinayo dugsiga hoyga ah ee Xaaxi.
Masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa sheegay in kordhinta fasalladan ay muhiim u tahay ardayda deegaanka, isla markaana ay wax weyn ka tari doonto tayeynta iyo baahinta waxbarashada degmada Xaaxi.
Munaasibadda dhagax-dhigga waxaa ka qaybgalay wakiillada Somaliland hay’adda Alight International Ahmed Cabdi Wacays oo ah hayaada hirgelinaysa dhismahani.
























