DEG DEG: Buurmadoow oo Shaaciyay In Uu Samaynayo Ciidamo iyo Saldhig U Gaar Ah

0
1431

Hargeisa (Hargeisa Press)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow oo ka mida Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa waxa uu maanta shaaciyay arin lidi ku ah Somaliland.

Boqor Buurmadoow oo maanta khudbad ka jeediyay madal xaflad Meher ah ayaa waxa uu sheegay in uu samaynayo Ciidamo iyo Saldhigyo u gaar ah.

Sidoo kale, Buurmadoow ayaa waxaa uu Xukuumada Madaxweyne Biixi ku eedeeyay colaadaha soo noq noqonaya ee ka taagan deegaanka Ceel-afweyn.

Waxaa uu Boqorku sheegay in ay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ay Beelaha deegaanka Ceel-afweyn ay ka la’yihiin fulinta heshiisyadii hore loo wada gaadhay, Isagoona Xukuumadu ku dhaliilay in aanay diyaar u ahayn in ay waxka qabato colaada u dhaxaysa labada Beelood ee wada dega Ceel-afweyn.

Dhinaca kale, Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa ilaa iyo hada ka jawaabin eedaymahaasi uu u soo jeediyay Boqor Buurmadoow.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here