Hargeysa,(HargeisaPress)– Wasiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Maxamed Yuusuf Ibraahim (Facuul), oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha dugsiyo cusub oo laga hirgalinayo gobolka Saaxil.
Munaasibadda dhagax-dhigga waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Saaxil, iyadoo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen wakiillada Somaliland hay’adda Alight International Ahmed Cabdi Wacaysoo ah hayaada hirgelinaysa dhismahani.

















