Dallada Nagaad oo hal arrin ku boggaadisey Haweenka Somaliland

0
522

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dallada isku xidhka Haweenka Somaliland ee NAGAAD NETWORK, ayaa waxaa ay dhambaal boggaadin ah u dirtay dhamaan Hablaha reer Somaliland.

Dallada NAGAAD, ayaa waxaa ay Hablaha reer Somaliland ku boggaadisey kaalintii ay ka galeen imtixaankii shahaadiga ahaa ee dalka oo natiijooyinkiisa lagu dhawaaqay.

Waxay dalladu sheegtay in natiijooyinka ay Hablaha Somaliland ka gaadheen imtixaankii shahaadiga ahaa ay muujinayaan guul weyn oo ay gaadheen Gabdhahu.

NAGAAD, ayaa sheegtay in guusha Hablaha Somaliland ay hoosta ka xariiqday horumarka iyo dadaalka la mahadiyey ee ay haweenka Somaliland ka gaadheen waxbarashada.

Dallada isku xidhka Haweenka ee NAGAAD, ayaa sidoo kale boggaadisey dowladda Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada, deeq-bixiyayaasha caalamiga ah iyo waalidiinta dalka.

Waxanay ku boggaadisey sida hagar la’aanta ah ee ay uga qayb-qaateen taageerida iyo kobcinta horumarinta waxbarashada, taas oo ay sheegtay inay tilmaan ka bixinayso guusha la taaban karo ee ay gaadheen Gabdhaha Somaliland.

Hablaha Somaliland, ayaa sannadkan guul weyn oo taariikhi ah ka soo hooyay imtixaanka shahaadiga ah ee lagu dhawaaqay natiijooyinkiisa, kuwaas oo wiilasha kaga sarreeyay 3% farqi ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka dallada

“Waxa ay hambalyo kal iyo laab ah u diraysaa dhammaan hablaha reer Somaliland ee ku guulaystay imtixaankii shahaadiga ahaa ee natiijadiisa lagu dhawaaqay. Natiijooyinku waxay muujinayaan guul weyn oo ay gaadheen gandhahu, kuwaas oo wiilasha kaga sarreeyay 3% boqolay farqi ah. Guushani waxa ay hoosta ka xariiqday horumarka iyo dadaalka la mahadiyey ee ay haweenka Somaliland ka gaadheen waxbarashada.

Dallada isku xidhka Haweenka ee NAGAAD NETWORK waxay ku bogaadinaysaa waalidka, Dawladda Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada JSL iyo dhammaan deeq-bixiyayaasha caalamiga ahba sida hagar la’aanta ah ee ay uga qayb-qaateen taageerida iyo kobcinta horumarinta waxbarashada taas oo tilmaan ka bixinaysa guusha la taaban karo ee ay gaadheen gabdhaha Somaliland.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here