Dagaalka Iran iyo Israel: Maxaa ka khuseeya Somaliland iyo Geeska Afrika?

0
631

Dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israel haddii uu sii socdo ama fido, wuxuu noqonayaa mid aan ahayn oo keliya mid Bariga Dhexe ku eg, balse si toos ah u taabanaya dalalka Geeska Afrika – Somaliland, Djibouti, Itoobiya, Sudan iwm.

Dhibaatooyinka uu keeni karo waxaa ka mid ah in uu khalkhal ku yimaadda suuqyadii Somaliland wax ka soo iibsan jirtay. Sida Imaaraadka Carabta (UAE) oo Somaliland si weyn ugu tiirsan tahay xagga qalabka dhismaha, cuntada, dawooyinka iyo adeegyada, ayaa laga yaabaa in uu si toos ah u dareemo saamaynta dagaalka maadaama uu xuduud la leeyahay Iran (dhinaca badda), kana mid yahay saaxiibada dhow ee Israel. Waxaa sidoo kale xusid mudan, in Shiinaha oo ah isha ugu weyn ee alaabada ganacsiga Somaliland uu ganacsi ballaadhan la leeyahay Iran.

Haddii xiisaddu korodho, waxaa dhici karta hakinta badeecadaha ku yimaadda marin-biyoodka Badda Cas; korodhka qiimaha alaabaha, taasoo si toos ah u taaban doonta suuqyada Somaliland. Haddii marinnada muhiimka ah la xidho ama halis galaan (sida Hormuz iyo Baabul-Mandab), waxaa si toos ah u kacaya qiimaha shidaalka iyo cuntooyinka. Arrintani waxay dhibaato ku noqon doontaa nolosha shacabka iyo ganacsiga maxalliga ah.

Waxaa sidoo kale dhici karta in hakad ku yimaadda socodka badeecadaha dekedaha Berbera iyo Djibouti: maraakiibta ayaa cabsida dagaalka darteed uga leexan karaan marinnada ama u joojin karaan safarkooda. Tani waxay hoos u dhigaysaa socodka badeecadaha iyo dakhliga laga helo kastamka iyo dekedaha.

Hadaba, waxaa la gudboon Somaliland innay la timaaddo xeelad ganacsi beddel, si aanay hal suuq ama hal marin ugu tiirsanaan. Waxaa kale oo muhiima Inaynu kor u qaaddno wax-soo-saarka gudaha, si loo yareeyo baahida dibedda; inay Somaliland ilaashato dheellitirka siyaasadeed, una muuqato dal deggan oo ganacsatadu aamini karaan. Dagaalka Bariga Dhexe wuxuu sababi karaa in bakhaarada Hargaysi madhaan, qiimuhuna cirka isku shareero. Laakiin qorshe iyo firfircooni aynu la nimaadno ayaynu kaga badbaadi karnaa masiibadaa.

Garyaqaan Ali Maalintacab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here