Dagaal Culus oo Dib Uga Billowday Gobolka Tigray

0
751

Mekelle (Hargeisa Press) – Dagaal culus, ayaa ka qarxay deegano badan oo ku yaala gobolka Tigray, waxaana dagaalkaasi uu u dhaxeeyaa ciidamada falaagada iyo kuwa dowladda, sida wararku ay sheegayan.

Xoogaga Fallaagada Tigray ee (TDF), ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro magaalo ah halkaas oo dad goobjogayal ahi ay sheegen inay arkeen dagalyahanada oo rondo sameynaya.

Milatariga Itoobiya, ayaa sheegashoyiinkaas meesha ka saray waxayna ku tilmaamen warar been abuur ah.

Dagaalkan, ayaa ah kii ugu cuslaa tan iyo bishii Novembar, markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday inay ku guuleysatay dagaalka.

Kumanaan qof, ayaa lagu dilay malaayiin kalena waa lagu barakiciyay dagaalka oo bilowday ku dhawaad sideed bilood ka hor.

Dagaalada ka dib, ilaa shan milyan oo qof oo ku nool Tigray, ayaa u baahan gargaar cunno in ka badan 350,000na waxay ku nool yihiin xaalad macluul ah, sida lagu sheegay warbixin dhowaan soo saartaay UN.

Warbixinada dagaalka, ayaa imanaya iyada oo ay socoto tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii guud ee Isniintii dhacday. Xaalada ammni awgeed, ma jirin wax codbixin ah oo ka dhacday Tigray.

Afhayeenka falaagada Gebre GebreTsadiq, ayaa sheegay in TDF ay weeraro magaalooyiin faro badan ku bartilmaamedsanayan ay qaaden isbuuci hore.

Wuxuu sheegay in dagaalyahanada ay burburiyeen gaadiid dagaal ayna qabteen qaar kamid ah askarta dowladda.

Dad goob joogayaal ah, ayaa sheegay in xoogaga falaagada ay magaalada istiraatiijiga ah ee Adigrat ka soo galeen dhanka xuduuda Eritrea, oo uu jirta 45 km (30 mayl). Haddii la xaqiijiyo, tani waxay noqoneysaa horumarkii ugu weynaa ee fallaagadan ay samayso tan iyo markii uu dagaalku billowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here