Dadweynaha Wajaale Oo Maayarka Gabiley Ku Bogaadiyay Hirgelinta Waddo 2KM

0
488

Tog-Wajaale (HP): Dadweynaha ku nool degmo ganacsiyeedka Tog-Wajaale ee  xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ayaa dawladda hoose ee Gabiley uga mahad celiyay  Waddo laga hirgelinayo magaaladaasi.

Kadib markii maamulka degmadda Gabiley ay dhawaan magaaladaasi ka dhagax dhigeen Waddo dhererkeedu dhan yahay 2KM ah oo laga dhisayo suuqa Tog-wajaale, si kor loogu qaado bilicda iyo nadaafadda magaaladaasi.

Jidkaasi oo Laami ah oo dhex maraya badhtamaha magaaladaasi oo uu hadda socdo dhismihiisu ayuu dhawaan dhagax dhigay maayarka Gabiley Maxamed-Aamiin Cumar Cabdi.

Waxaanay  bulsahdda ku dhaqan Wajaale uga mahad celiyeen maayarka Gabiley Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, isla markaana waxay ku amaaneen inuu waxqabad ka hirgeliyay magaaladaasi.

Tallaabadaasi oo ay ku tilmaameen mid wax weyn u soo kordhin doonta magaaladda Tog-Wajaale, isla markaana muujinaysa waxqabadka uu maayarka Gabiley ka hirgeliyay magaaladaasi.

Qaar ka mida dadweynaha ku nool magaaladda Tog-Wajaale, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa maayarka Gabiley ku bogaadiyay hirgelinta jidkaasi oo ay sheegeen in ay rejaynayaan inuu faa’iido badan u keeni magaaladaasi.

Waxaanay balan qaadeen dadweynihii arrintaasi ka hadlay in ay diyaar u yihiin in ay u codeeyaan maayarka Gabiley oo shaaciyay inuu mar kale u taagan yahay tartanka doorashadda golaha deegaanka ee degmadda Gabiley.

Maadaama oo uu waxqabad balaadhan ka hirgeliyay mudaddii uu xilka maayarnimo hayay guud ahaanba deegaamadda Gabiley gaar ahaana magaalo ganacsiyeedka Tog-Wajaale.

 

DAAWO: Dadweynaha Oo Arrintaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here