Dadkii Loo Xidh-xidhay Mudaharaadyadii oo Xabsiga Laga Sii Daayay

0
1375

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xabsiyada magaalooyinka Mandheera iyo Gabiley, ayaa maanta laga sii daayay 49 qof kuwaasi oo loo xidhay Mudaharaadkii bishan August 11-keedii ka dhacay Magalada Hargeysa.

Mudaharaadkaas, ayaa waxaa ku dhintay 5 qof, waxaana ku dhaawacmay 100 qof sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland.

Cuqaal iyo waxgarad, ayaa ka howlgalay siidaynta 26 qof oo ku xidhnaa xabsiga Madheera iyo 23 hablood oo ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Gabiley, waxaana lagu siidaayay warqad codsi ah oo cuqaashu u qoreen Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabaggale.

Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Jaamac Bookh, oo ka qaybgalay siidaynta hablaha ku xidhnaa xabsiga Gabiley, ayaa u mahadnaqay cidkasta oo ka qaybqaadatay sii dayntooda.

Dhanaca kale, salaadiinta iyo cuqaasha ka howlgashay siidaynta dadka xidhnaa, ayaa u mahadnaqay xukuumadda iyo taliyaha ciidanka booliiska, iyo shacabka Gabiley oo ay sheegeen in ay si wanaagsan ula dhaqmeen oo us oo dhaweeyeen hablaha xidhnaa.

Mudaharaadyadii 11 bishii August ee ay hormuudka u ahaayeen xisbiyada mucaaradka, ayaa waxaa ay kaga soo horjeedeen madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku eedeeyeen inuu wado muddo kororsi.

Arrimahan, ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay fashil ku soo dhammaadeen wada-hadalladii u dambeeyay ee mucaaradka iyo xukuumadda, si xal looga gaadho xiisadda ka taagan Somaliland ee ka dhalatay muranka hadheeyey hannaanka doorashada ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here