Nabadeynta Hartiga Somaliland iyo dawladooda iyo dadka ay ood wadaagta yihiin si daacadnimo ah oo aa jilniin ahayn ayaa madaxweyne Cirro u galay una waday illaa imika.
Collaadii dhacday waxa ay keentay in laka fogaado, ilaa heer nacayb ka dhasho hadallada wax magaratada ee labada dhinac.
Si muddo karnimo ah ayaa maaraynta arrintaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu u galeen, in kasta oo madaxda uu dirtay qaarkood weedhohoodu ay mashkilad ku ahaayeen mararka qaar habka nabadaynta uu u waday oo ahayd in hadalka cunfiga ah mid caafimaad qaba lagu baddalo.
Nabad ayuu si guud ugu baaqay Hartiga Somaliland, mar ma aha ee dhowr goor ayuu ugu baaqay, arrintaasi waxa ay yaraysay cabsidii laga qabay duulimaad dhanka Somaliland ka yimaad, mase ahayn mid ku filan xasillooni deegaanka ka dhalata, waayo dadka Isaaq ee deegaanka la dega ayaa is hubeeyay iyaga oo iyaguna dhankooda cabsi ay ka qabaan Hargtiga libta ka gaadhay dagaalkii ciidanka Somaliland ay kula jireen.
Dhanka Harti, shacabkaa Isaaq ee is hubeeyay cabsi ka wayn tii ciidanka Somalinad ayay ka qabeen ayay gelisay, maadaama dagaalka qabiilku ka nafhursanyahay dagaalka siyaasiga marka Africa la joogo. Cabsidaa laka qabay waxa ay ahayd saansaan collaad ka xun tii hore oo xal u baahan inta aanay qarxin.
Madaxweyne Cirro waxa uu ku dhiiraday in uu shacabkii isaaq hadana hubka ka dhigo si cabsida dhanka Harti ee uu nabadda ka rabbaa meesha uga baxdo.
Way shaqaysay, oo dagaalladii beelaha ayaa joogsaday intii ciidamadii isaaq dawaladii nabadda ku baaqday qaramaysay, maamulkodana ay la wareegtay.
Ergo mabadeed oo Ogaadeen ah ayaa mar kale (ka hor qaramaynta ciidan beleedyada isaaq) madaxweyne Cirro u dirtay Hargtiga Somaliland.
Walow aanay midho dhal noqon tallaabadaasi, marka horebana aan laga filayn dhanka dhulbahante, haddana waxa ay xoogaysay kalsoonida lagu qabo Cirro in nabaddu ka dhabtahay, iyo in aan dhankiisa warwar laga qabin.
Ogow oo cid collaad iyo dhimasho iska rabtaa labada dhinac midna ma jirto, ee cabsida ayaa qolo kasta faraysay waxa ay fashay.
Middan ugu danbeysan ee Ceerigaabo, waxa uu ka hawlgalay qayb ahaan Hargtiga (Warsangeli) nabadayntooda inuu markan ku horreeyo maaddaama dhulbahante wakhti iyo qorshe intan ka badan heshiiskooda looga baahanayo, waa tallaabo kale oo fiican.
Waxa cajiib ahayd in markii uu Ceerigaabo tagay aanu soo abaabulan shaqsiyaad Naalleeye Axmed ah oo aanu waayeen, oo nabadda ceerigaabo uu ku sawiro sidii caadada u ahayd madaxda Soomaalida.
Naalleeye Axmed Wallow ay reer Ceerigaabo yihiin, haddana tolkood Dhulbahante ayay la waayo yihiin, xalkooda isku si iyo isku mar ayuunbaa la geli karaa.
Daacadnimo iyo xaqiiqo hadal ayay ahaayeen weedhihii madaxweynihu Ceerigaabo ka yidhi ee ku saabsanaa Naalleeye Axmed.
Waxkastaa in ay realistic ahaadaan ayay kusii jiri karaan, wixii igu sawir ahi wax uun buu sii kharribaa.
Odayaashii warsangeli dadkoodii in ay kusoo qabciyaan nabadda ay qaateen ayay la maqanyihiin, markaa dabbaaldeg Hargeysa laga sameeyaa iyaga dooddooda waxbuu u dhimayaa.
Dabbaaldeg sidiisaba ciddii leh oo samaysa ayuu macne ku leeyahay.
Maalinta Warsangeli Ceerigaabo kusoo wada noqdo, dabbaal deg ay iyaga iyo beelaha Isaaq ee la degaa ay sameeyaan ayaa nuxur leh, kanise habkii realistiga ahaa madaxweynuhu wax u waday waa igala geddisan yahay.
Waxyaabo yaryar oo aan la dhaadanayn oo ama hadallo ah ama ficilo ah ayaa wax kharriba, xaallada barina mar horeba waxyaabo noocaasa ayaa cirka geeyay.
Sidii khayr leh idamka alle.
Waxa qoray Siddiiq M. Burmad.

















