Djibouti, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle Geelle ayaa xaruntiisa madaxtooyada Djibouti BBC-da ku siiyay wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya, oo uu uga hadlay arrimaha Djibouti iyo Isbadalada Geeska Africa ayaa wata saameyntooda.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu horayn sheegay inay xidhiidh la leeyihiin wadamada Itoobiya Iyo Eritrea waxaanu yidhi “Anagu waxaanu nahay dadka qudha ee ilaa sanadkii 2008 xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo ah oo wada shaqayn ah la lahaa labada dawladood ee jaarka ah labada dawladood ee isku jiraay ee kala baxay, labada dawladood ee is laayey ee Itoobiya Iyo Eritrea la yidhaa.”ayuu yidhi madaxweyne Geelle oo la hadlay BBCsomali.
HargeisaPress News Desk- Hargeysa